Maxay ka wada hadleen Cali Guudlaawe iyo Safiirka Midowga Yurub?

0
Sunday January 24, 2021 - 08:45:05 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay ka wada hadleen Cali Guudlaawe iyo Safiirka Midowga Yurub?

    Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha dib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha dib




Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez.

 

Kulanka u dhexeeyay Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Safiir Nicolas Berlanga ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo kala duwan oo kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashada dhacaya 2021.

 

Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha dib u heshiisiinta, hirgalinta iyo fulinta mashaariic horumarineed oo muhiim ah iyo dhameystirka goleyaasha deegaanka degmooyinka Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ka dalbaday in maamulkiisa laga taageero dhinacyo kala duwan oo ugu weyn tahay horumarinta deegaanada.

 

Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale u mahadceliyay Safiir Nicolas Berlanga, waxaana kulanka dhexmaray labada dhinac goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

 

Shalay ayuu Cali Guudlaawe kulan looga hadlay xal u helida fatahaadaha Webiga Shabeelle la qaatay Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soonaaliya, iyagoona sidoo kale ka wada hadlay arrimo kale.


Loading...
Loading...