Ku-xigeenka Hantidhawrka Guud Ee Qaranku Muxuu Ka Yidhi Baadhistii Ay Sameeyeen?

0
Wednesday May 01, 2019 - 09:11:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku-xigeenka Hantidhawrka Guud Ee Qaranku Muxuu Ka Yidhi Baadhistii Ay Sameeyeen?

    Hargeysa(HWN)-Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa markii u horeysay Ka Xogwaramey Hawlaha Baadhista Xafiisyadda Dawllada,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN)-Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa markii u horeysay Ka Xogwaramey Hawlaha Baadhista Xafiisyadda Dawllada,
Wasaaradaha ,iyo Guud ahaanba Laamaha iyo Hay,adaha Dalka oo ay indhawaale bilaabeen tan iyo intii ay talada Dalka la Wareegtey Xukuumada Xiligan iyagoo Xusey in ay lagama maarmaan u tahey Shaqada Xafiiskani Qaranka u hayo in la helo Baadhis Cadaalad ah oo Natiijo fiicani kasoo baxdo Geedi Socodka Shaqo Maamlmeedka Hay,adaha Dawlliga ah Guud ahaanba.



Kuxigeenka Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash oo si faafaahsan uga Xog Waramey halka ay Wakhtigan u Marayaan hawlaha Baadhista Hay,adaha Dawlladu iyo Wasaaradaha Qaarkood ayaa, sheegay in ay Wadaan Baadhis dardar leh oo lagu baadhayo Guud ahaanba Xafiisyadda Dawllada iyo Wasaaradaha,iyo Waliba Haya,adaha Dawliga ah taas, oo ay Bilawgii Xukuumadan Guda galeen Hawlo culus oo Wasaaradaha iyo Goob kasta oo ay ka hawl gasho Hay,adaha Dawliga ah ee kala Duduwan,sidaa daraadeedna ay durbaba qabteen hawlo shacbigu soo dhaweeyay oo ay kaga midha dhaliyeen Baadhista iyo Natiijooyinka kasoo baxey Wasaaradaha Qaartaas oo Shacabku kaga Tusaale qaadan karaan Shaqada hantidhawrku sida Xiligan Wax iskaga badeleen iyo Talaabooyinka ay qaadey mudo Xileedka Xukuumadan.


«In la helo baadhis caddaalad ah oo midho fiican ka soo baxaan waxay ku xidhan tahay in la hagaajiyo nidaamka uu xafiisku u shaqeeyo, Ugu horreyn waxaanu culays saarnay in aanu dhisno nidaamka shaqo/shaqaale ee xafiiska oo u muuqday mid tasoobay, Dadku waxay arkaan uun dhaq-dhaqaaqa lagu xakamaynayo ee lagula dagaalamayo musuqa soo jireenka ahaa ee caado laga dhigtay, balse waxayna ogayn bulshadu si taasi u hirgasho maxsuul fiicanna innoogu soo baxo in ugu horreyn uu dhismo xafiiskii howshaas qaban lahaa, Taasaa keentay in aanu ku horreyno dhismaha xafiiska oo dhinac walba leh, Isaga oo nagu hoggaaminaya Hanti-dhowraha Guud ee Qaranku waxa noo suuro gashay Ilaahay fadligii in dhismayaal dhowr ah oo u badan hoolal lagu shaqeeyo ku soo kordhinno xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, taas oo yareysay cidhiidhigii shaqo ee xafiiska ka haystay howlaha baaxadda leh ee uu Qaranka u hayo, Waxa la tababaray hawl-wadeennada xafiiska oo illaa imika xirfadooda shaqo kor loo qaadey, Si ay ula jaanqaadaan nidaamka casriga ah ee Imika dunida horumartay wax u baadhaan». Ayuu yidhi Gudoomiye Kuxigeenka Hantidhawrka Guud ee Qaranku.


Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa ‘Howl-gallada ay fuliyaan hawl-wadeennada xafiisku waa mid ay ku howl-galaan nidaam iyo siyaasadda xafiiska oo uu markii u horreysay seeska u dhigay Hanti-dhowraha Guud ee Qaranku Mudane Axmed Yuusuf Dirir oo la odhan karo xafiisku hore wuu ugga arradnaa, Tusaale ahaan marka shaqo loo diro qaar kamid ah hawl-wadeennada xafiisku ma aysan lahayn qorshe cad oo lagula xisaabtamo oo ay kaga howl-galaan xafiisyada la baadhayo imikase waxay sitaan check list ku xusan dhammaan document-ka lagama maar-maanka u ah baadhistaas la fulinayo, Kolba shaqaalaha loo diro baadhisaha kala duwan waa kuwa ay u dhan yihiin agabka ay ku howl-galaan lana daboolay baahiyahooda aasaasiga ah oo hore aanay u heli jirin gunnooyin ku filan, Taasina waxay meesha ka saartay xantii ahayd in goobaha ay ka howl-galaan shaqaalaha Hanti-dhowrku aanay si sax ah u soo baadhin ee iyagu ay soo baadhaan’Ayuu yidhi Sacad Cabdi Cabdilaahi(Sacad-Riiraash) Kuxigeenka Hantidhawraha Guud ee Qaranka Waxaanu Sidaa ku Sheegay Xogwaran Khaas oo uu Siiyay Shabakada Wararka hadhwanaagnews.


Isagoo ka Waramaya Baadhista ay ilaa hadda qaadeen Hantidhawrku Waxa uu yidhi.

"Markii u horreysay ee taariikhda Somaliland uu xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranku Waxa uu baadhay mashaariicda caalamiga ah ee qaadhaan bixiyayaashu ugu deeqeen dalkan Somaliland, oo ay hore ugu soo diri jireen hay'adaha caalamiga ahi hanti-dhawr dibadeed oo ay lacago badan ku soo kiraysan jireen taas oo dhaawac ku ahayd lacagaha la inoogu deeqo oo laga jaro taas shirkadaha ajaanibka ahi baadhis ahaan loogu kharash garayn jiray, Taasi waxay caddayn buuxda u tahay sida loo dhisay capacity-ga xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, Dhinac kale Haddii laga eegana waa guul u soo hoyatay Somaliland”. Ayuu yidhi Kuxigeenka Hantidhawraha Guud ee Qaranku.


Mar La Weydiiyay, Sacad Cabdi Cabdilaahi(Sacad-Riiraash), Sida ay Wada Shaqeyntoodu tahey Xiligan isaga iyo Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mr Dirir isagoo Su,aashaa ka Jawaabaya Waxa uu yidhi.


«Qofkasta waxa sheegi kara qofka ugu dhow ee la shaqeeya aniguna waxaan ahay Masuulka 2aad ee Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka u soo igmaday Madaxweyneha Qaranka JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanan odhan karaa Hanti-dhowraha Guud ee Qaranku Axmed Yuusuf Dirir waa masuulkii ugu habboonaa ee abid soo mara Xafiiska Hanti-dhowrka, iskama odhan odhaahdaas ee wada shaqayn kaddib ayaan ku qiimeeyay, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa aan uga mahad calinayaa inaan la shaqeeyo masuulkaas uu marka horeba u soo xushay in uu tir-tiro musuq-maasuqa»Ayuu yidhi.


Loading...
Loading...