Xisbiyada Oo Beelaha U Daba Fadhiya Xulashada Musharixiinta Iyo Waajibaadkii Xeerka Oo Ay Ka Leexdeen

0
Saturday January 23, 2021 - 20:06:18 in News by
  • Visits: 1126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada Oo Beelaha U Daba Fadhiya Xulashada Musharixiinta Iyo Waajibaadkii Xeerka Oo Ay Ka Leexdeen

    Xisbiyada Oo Beelaha U Daba Fadhiya Xulashada Musharixiinta Iyo Waajibaadkii Xeerka Oo Ay Ka Leexdeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyada Oo Beelaha U Daba Fadhiya Xulashada Musharixiinta Iyo Waajibaadkii Xeerka Oo Ay Ka Leexdeen


Somaliland ayaa diyaar-garow weyn ugu jirta qabashada doorashooyinka Wakiillada iyo deegaanka, iyada oo xubnaha quudaraynaya ka mid noqoshada Xildhibaannada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilladu ay ku jiraan loollan adag oo dhinaca Beelahooda ah, si ay u helaan kalsoonida Beelaha ay ka soo jeedaan.




Doorashooyinkan isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaanka oo Komishanka doorashooyinku u qoondeeyeen 31.05.2021, oo ay innaga xigaan ku dhawaad 130 maalmood oo keliya, ayaa waxa muuqata in xisbiyada qaranku weli aanay diyaarin murrashaxiinta uga qayb galaysa tartankan, balse taas beddelkeeda ay Beelaha ragga hanka leh ay iyagu ku masnquulsan yihiin kala saarida xubnaha hanka leh ee deegaannadooda.

Xeerka Guud ee doorashooyinka ee Xeer Lr.91/2020, ayaa si cad u jeexaya habka lagu soo xulanayo Murrashaxiinta Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada, iyada oo xeerku ku waajibinayo Xeer nidaamiyeyaal in ay sameeyaan, kaas oo sheegaya habka loo soo xulayo.

Qodobka 69aad, ee xeerkan, ayaa waxa uu tilmaamayaa Habka Xulista MusharaxiintaXisbiyada uga qayb galaya doorashada, kaas oo dhigaya

1. Xisbiyadu waa in ay murashixiinta u soo xulaan hab laga wada qayb qaato islamarkaana daah-furan.
2. Xeer nidaamiyaha xisbiga ee xulista murashixiinta ayaa sheegay habka xulista murashixiinta, qaabka loo raacayo, iyo shuruudaha kale ee la xidhiidha xubinimada
xisbiga iyo bixinta lacagaha laga rabo.

3. Xisbi kastaa waa inuu sameeyaa Guddida xulista murashixiinta oo u xil saaran soo
xulista murashixiinta xisbiga uga qayb galaya doorashada Golaha Wakiillada.
4. Xubnaha guddida waa in loo soo xulaa si waafaqsan dastuurka xisbiga, waa in ay ka
mid ahaadaan xubnaha xisbiga waana in ay leeyihiin aqoon iyo waayo aragnimo ku haboon gudashada hawshan.

5. Shaqaalaha Dawlada, kuwa hay’adaha madaxbanaan iyo xubnaha ciidamada derejo kasta oo ay leeyihiin, uma bannaana in ay u tartamaan doorashada Golaha Wakiillada,
hadii aanay shaqo ka tegistooda soo gudbin Sagaashan maalmood (90 maalmood) ka hor maalinta doorashada, sida lagu sheegay Qodobka 41(7) ee Dastuurka Qaranka.
6. Shaqo ka tegistaa waxaa wajib ah in uu oggolaado, qoraalna ku cadeeyo qofkaawoodda u lihi.

Qodobka 70aad, ee Xeerka Guud ee doorashooyinka Somaliland, waxa uu iftiiminayaa, qaabka loo xalinayo khilaafaadka ka yimaada xulida murrashaxiinta Golaha Wakiillada, waxaanu xeerku tilmaanayaa:
1. Xisbi kastaa waa in uu sameeyo guddida xalinta khilaafaadka ka soo baxa xulista iyo magacaabista murashixiinta oo u xil saaran ka garnaqa iyo go’aan ka gaadhista khilaafaadka xisbiga dhexdiisa ka dhasha ee la xidhiidha xulista iyo magacaabista murashixiinta u tartamaya doorashada Golaha Wakiillada.

2. Guddida xalinta khilaafaadku waa inay diyaariyaan habka xalinta khilaafaadka una soo gudbiyaan Komishanka.

3. Haddi Murashax ama xubin xisbi ka mid ahi tabasho ka qabo in habka loo soo xulay
murashixiinta aanu Xeerkan waafaqsanayn waxa loo noqonayaa Xeer-nidaamiyaha xulista
iyo magacaabista murashixiinta, waxaana xalinaysa guddida xalinta khilaafaadka.

4. Guddida xalinta khilaafaadku waa in ay go’aan uga gaadhaan khilaafaadka soo baxa si aan daahid lahayn oo daah-furan, waa in ay dhinacyada fursad u siiyaan in ay tabashadooda qoraal ahaan ama AF ahaan ku soo gudbiyaan.

Sidoo kale, Qodobka 71aad, waxa uu Xisbiyada ku waajibinayaa hor gelinta
Xeer-nidaamiyaha iyo Hagaha Xisbiyada ee Xulista iyo Magacaabista Musharaxiinta, kaas oo dhigaya
1. Xisbi kasta oo doonaya inuu ka qayb galo doorashada Golaha Wakiilladu waa in u diyaariyaa una soo gudbiyaa Komishanka Xeer-nidaamiyihiisa xulista iyo magacaabista
murashixiinta 14 casho gudahood oo ka bilaabanta maalinta uu helay ogaysiiska
shaacinta qabsoomida doorashada Golaha Wakiillada.

2. Xeer-nidaamiyaha ku xusan farqada 1aad ee Qodobkan waa in ay ku caddaadaan: –
a) Habka Xisbigu u magacaabayo murashixiintiisa;
b) Habka lagu soo xulayo murashaxiinta;
c) Habka la raacayo maalinta magacaabista;
d) Awoodaha guddida xulista iyo magacaabista
murashixiinta
e) Habka xalinta khilaafaadka la xidhiidha
xulista iyo magacaabista murashixiinta;
f) Wixii awaamiir ah ee Komiishanku bixiyo si
waafaqsan Xeerarka dalka.
3. Komishanku waa inuu hubiyaa in xeer￾nidaamiyaha xisbiyadu soo gudbiyeen
buuxiyay shuruudaha uu qodobkani tilmaamaya, waxaanu Komishanku ku amri
karaa xisbiyada in ay wax ka soo badalaan si loo xaqiijiyo in aanu ka hor imanan Dastuurka dalka iyo Xeerkan.


Loading...
Loading...