Muuse Biixi Oo Diyaarinaya Qorshe Ku Wajahan Golaha Guurtida Oo Doorashada La Xidhiidha

0
Saturday January 23, 2021 - 20:02:28 in News by
  • Visits: 1517
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Diyaarinaya Qorshe Ku Wajahan Golaha Guurtida Oo Doorashada La Xidhiidha

    Muuse Biixi Oo Diyaarinaya Qorshe Ku Wajahan Golaha Guurtida Oo Doorashada La Xidhiidha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Diyaarinaya Qorshe Ku Wajahan Golaha Guurtida Oo Doorashada La Xidhiidha

Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha  Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu u gudbiyo Golaha Guurtida Somaliland codsi la xidhiidha in ay is waafajiyaan muddo kordhintii 2 sanno ahayd ee ay sameeyeen Bishii Nov. 2019-kii iyo wakhtiga ay cayimeen Komishanka doorashooyinka ee 31.05.2021-ka in ay qabsoomaan doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanku.


Muuse Biixi  ayaa codsigiisa waxa uu Golaha Guurtida kaga codsanayaa in ay dib ugu noqdaan muddo kordhintii hore ee ay sameeyeen, si ay muddo dhimis ugu sameeyaan, isla markaana doorasho u dhacdo sannadkan.

 Muuse Biixi, oo lix cisho ka hor ay Komishanku u soo gudbiyeen wakhtiga ay ku qaban karaan doorashada isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka, ayaa laga sugayaa inuu isaguna dhinaciisa ku soo saaro digreeto rasmi ah, muddo 15 maalmood guddahood ah, si uu dhigayo Xeerka Guud ee Doorashooyinkiisa, gaar ahaana qodobkiisa 6-aad oo ka hadlaya qabashada doorashooyinka, muddadaas oo lix maalmood tegeen.

Golaha Guurtida oo iyaga dhinacooda laga sugayo in ay sameeyaan muddo dhimis, si ĺa isu waafajiyo qabashada doorashada iyo wakhtigio ay Kordhiyeen, ayaa waxa ay ku maqan yihiin fasax bil iyo badh ah, inkasta oo muddo labaataneeyo ahi u hadhsan yihiin.

Madaxweynaha iyo Xisbiyada ayaa ugu baaqay Golaha Guurtida in ay is waafajiyaan wakhtiga la cayimay iyo muddo kordhintii ay sameeyeen.

Hogaamiye Muuse Biixi Oo Si Weyn Loogu Dhaliilay Aaskii Marxuun Xasan Guurre Ee Uu Ka Muquurtay


Loading...
Loading...