Wasiir Maxamed Kaahin Oo Xaalad Caafimaad Loo Dhigay Dhakhtarka

0
Saturday January 23, 2021 - 11:39:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Xaalad Caafimaad Loo Dhigay Dhakhtarka

    "Xaalad kooban oo caafimaad baa loo dhigay wasiir Gargaar Hospital"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xaalad kooban oo caafimaad baa loo dhigay wasiir Gargaar Hospital"

Hargaysa (HWN) Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xaalad Caafimaad oo la soo deristay loo dhigay Cusbitaalka Gargaar ee Magaalada Hargeysa.

 

Wasiir Kaahin, ayaa la sheegay in ay wakhtigan xaaladdiisa aad u wacan tahay, oo uu soo ladnaanayo, marka loo eego xaaladdii uu ku sugnaa markii Dhakhtarka la geeyey.

 

Muuse Biixi, ayaa ku booqday Cusbitaalka Wasiirkiisa Arrimaha Guddaha, waxaanu Illaahay uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

 

 "Xaalada caafimaad ee wasiirka Arrimaha Gudaha somaliland mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, waa boqolkiiba boqol, ma jirto xaalad caafimaad oo laga werweraa, ilaahay caafimaadka ha u siyaadiyo Wasiirka”. Ayuu yidhi Cabdillaahi Caarshe oo ka hadlay xaalada Caafimaad ee Wasiirka.

 

Waxaanu intaasi ku daray "Xaalad kooban oo caafimaad baa loo dhigay wasiir Gargaar Hospital, xaalada caafimaad ee wasiirkuna waa maansha allah, yaan la dhigan xaalad kale.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa wasiirka ku booqday Gargaar Hospital galabta

 

Hadaba yaan siyaabo khaldan loo baahin caafimaadka Wasiirka, waan idinku celinayaa xaalada caafimaad ee wasiirku waa boqolkii boqol, berina waxaa ku laabanayaa gurigiisa insha allaah” .

 

Lama hubo xanuunka haleelay ee Wasiir Maxamed Kaahin loo dhigay dhakhtarka nooca uu yahay.


Loading...
Loading...