Xisbigaad Doonto Aadoo, Xaqii Beledkan Raadcee [Abdikarim Ahmed Mooge]
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
1-XISBIYADU XANTOOD OGIN,XAAFAD XAAFAD INAY YIIN,
XOR ADOO SHARAXANOON,XISBIYADA MIDNABA GELIN,
XARAGAAD KU IMANLAYDE,XEERARKAAN KU YEELAYNE,
XULASHADA MIDUUN RAAC,XISAABI WAY DANBAYSAA.
2-KUWEENA KAA XANAAQEE,XISBIGAN KAAGA TEGAYANA,
MIDU XANBAARSANYA JIRA,XAGIISAANU KUGU WADAY,
XIGMADAADU WAA MEELE,XUKUNKA EEBAHEEEN YEEL,
HADDAAD XARUNTA GAADHO,XAQII BELEDKA SOO CELI.
3-SHACAB RUUX XUKUMAYA,XURGUF IYO XAGXAGASHIYO,
WAAYI MAAYO XAMASHO,XAASIDKA ADD U TIRO BADAN,
XURMADANA DARBA NECEB,MEESHA XAAB KU QABI JIRAY,
XANAAQU YAANU KAA DUMINE,XAQII BELEDKAN SOO CELI.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!