Maxaa Sababay In Xukuumadu Ay Ruqsad Cusboonaysiin Ka Dalbato Shirkadaha Isgaadhsiinta?

0
Friday January 22, 2021 - 22:22:54 in News by
  • Visits: 1286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay In Xukuumadu Ay Ruqsad Cusboonaysiin Ka Dalbato Shirkadaha Isgaadhsiinta?

    Maxaa Sababay In Xukuumadu Ay Ruqsad Cusboonaysiin Ka Dalbato Shirkadaha Isgaadhsiinta?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Sababay In Xukuumadu Ay Ruqsad Cusboonaysiin Ka Dalbato Shirkadaha Isgaadhsiinta?


Hargeysa(HWN):-Xukuumadda Somaliland, ayaa faah-faahin ka bixisay ujeeddada ay ka lahayd wareegto ka soo baxday Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tignoolajiyadda oo la xidhiidhay in ay laashay ruqsadihii ay hore u haysteen, isla markaana looga baahan yahay in ay cusboonaysiin dib u soo dalbadaan.




Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland Cabdiweli Sheekh Suufi, ayaa sheegay in aanay jirin ujeeddo kale oo laga leeyahay wareegtada uu soo saaray, aan ka ahayn in ruqsadaha Shirkaddaha oo 20 sanno ka hor la qaatay in ay dib u cusboonaysiiyaan, madaama oo muddo dheer ka soo wareegtay wakhtigaasi.

"Ujeeddadu may ahayn in ay dhammaantood bilaa ruqsad yihiin Shirkaddaha isgaadhsiintu, laakiin maadama oo wakhtiga ay Liisamada qaateen ay ka soo wareegtay 20 sanno in ay isbeddeleen adeegyadii ay bixin jireen iyo aniga oo ka duulayna ITU hal-beega ay u samaysay liisan Bixinta Shirkaddaha ayaanu is nidhi ha la idin horumariyo, markaa waa horumarin uun weeye ee maaha macnaheedu Shirkadduhu waa bilaa Liisamo.” Ayuu yidhi Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Tignoolajiyadda Somaliland, oo Warbixin siinayey Guddi hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada


Loading...
Loading...