Beesha Muuse Care Oo Ku Dhawaaqday Shirweyne Ay Ku Qabsanayso Magaalada Burco.

0
Friday January 22, 2021 - 18:55:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Muuse Care Oo Ku Dhawaaqday Shirweyne Ay Ku Qabsanayso Magaalada Burco.

    "waxaanay shirkaasi beeshu kaga tashanaysaa aayaheeda noockastuu ahaadaba"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaanay shirkaasi beeshu kaga tashanaysaa aayaheeda noockastuu ahaadaba"

Hargaysa (HWN) Waxgaradka iyo Haldoorka Beesha Muuse Care ee Habaryoonis ayaa shir ay iskugu yimaadeen kaga dhawaaqay shirwayne ay beeshaasi qabsanayso bisha labaad ee sanadkan aynu ku jirno.

Shirkan ay wax garadka beeshu yeesheen oo ka dhacay magaalada Burco ayay ka soo qayb galeen intabadan waxgaradka Beeshu, waxaanay sheegeen in shirwaynaha beeshu noqon doono mid beeshu aayaheeda kaga tashan doonto.

 

Chief Caaqilka Guud ee Beesha Muuse Care ee Habaryoonis Sharmaarke Axmed Maxamed oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in shirkaasi noqon doono mid anfca guud ahaanba Somaliland, waxaana hadalka chief caaqilka ka mid ahaa "sidaa cusqaashii iga horaysay sheegtay bisha labaad tobankeeda in shir la iskugu yimaado magaalada Burco, waxaanay shirkaasi beeshu kaga tashanaysaa aayaheeda noockastuu ahaadaba, waxaanu noqon doonaa shir nabadeed oo anfaca Burco iyo Somaliland-ba, fariintaasi ayaanan udirayaa dhamaan beeshu deegaanada ay kala joogto oo dhan” ayuu yidhi chief caaqil Sharmaarke.   

 

Sidoo kale waxaa iyaguna shirkaasi ka hadlay cuqaal iyo waxgarad ka kale ee Beesha oo iyaguna ku booriyay in dhamaan beeshu shirkaasi ka soo qayb gasho.

 

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.


Loading...
Loading...