Taliyaha Booliska Sanaag Oo Ka Hadley Xaalada Nabad Gelyo Ee Gobolka

0
Friday January 22, 2021 - 18:15:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Booliska Sanaag Oo Ka Hadley Xaalada Nabad Gelyo Ee Gobolka

    "Waxaanan ciidan ahaan diyaar unahay ka shaqayno amaanka Ceerigaabo".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaanan ciidan ahaan diyaar unahay ka shaqayno amaanka Ceerigaabo".

Hargaysa (HWN) Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Sanaag Gaashaanle Dhexe Saleebaan Ducaale Ubaxle ayaa ka hadlay xaalada guud ee Gobolka Sanaag, waxaanu guud ahaan taliyuhu fariin udiray shacabka Gobolkaasi.

 

Taliyaha ayaa sidoo kale intaasi raaciyay in loo baahanyahay in shacaka Gobolka Sanaag looga baahanyahay inay ka qayb qaataan ilaalinta amniga Gobolka "Amniga waxaa wax laga qaban karaa marka ay bulshadu ogaato faa’iidadiisa ee ay kawada qaybqaataan wax ka qabashadiisa, tobanka askari ee aan magaalo udirnaa waxay la kulmaan, magaalo kale oo hubaysan, waxaanu leenahay waxgaradka gobolka ee ku nool mii iyo magaalaba amniga aynu kawada shaqayno” ayuu yidhi.




Isagoo hadalka sii wada taliyuhu waxa uu intaasi ku daray, "in aqoontu soo kordhiso cilmi laakiin aqoonta ceerigaabo ay soo kordhiso qabyaalad, waar ka daaya oo yayna haybteenu ka hoosayn in aynu nidhaahno waxaan ahay nin reer Ceerigaabo ah, horumarka iyo aqoonta ceerigaaana mid qudha ha noqdo”.


Gaba gabadiina waxa uu taliyuhu sheegay inay ciida ahaan diyaar uyihiin ilaalinta amniga Gobolka "Waxaanan ciidan ahaan diyaar unahay ka shaqayno amaanka Ceerigaabo”.

 

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office

Loading...
Loading...