Dowladda Soomaaliya Oo Cambaareysay Qaraxyo Ka Dalka Dhacay Ciraaq

0
Friday January 22, 2021 - 17:50:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya Oo Cambaareysay Qaraxyo Ka Dalka Dhacay Ciraaq

    "Soomaaliya oo xanuunka iyo murugada la qeybsanaysa Dowladda iyo Dadka Ciraaq"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Soomaaliya oo xanuunka iyo murugada la qeybsanaysa Dowladda iyo Dadka Ciraaq"

Muqdisho (HWN) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay qaraxyo ka dhacay dalka Ciraaq, kuwaasoo ay ku dhinteen Dadbadan oo shacab ah.

 

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada ayaa lagu sheegay in weerarkaasi lagu dilay dad shacab ah oo ku sugnaa Suuq laga dukaameysto, islamarkaana walaalaha Ciraaq loo diraayo tacsi.

 

"Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa labo is-qarxin argagaxiso fulaynimo leh oo lala beegsaday maanta suuq bulsho oo lagu iibiyo dharka celiska ah oo ku yaalla fagaaraha duulimaadka ee bartmaha Caasimadda Ciraaq ee Bagdaad, oo sababay geerida iyo dhaawaca dad rayid ah oo aan waxba galabsan”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda.

 

Warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa intaasi kusii daray "Soomaaliya oo xanuunka iyo murugada la qeybsanaysa Dowladda iyo Dadka Ciraaq ayaa waxa ay markale ku celinaysaa inay ku garab taaggantahay walaalaha Ciraaq dadaalka ay ku doonayaan in ay ku sugaan nabadda iyo deganaanshaha, ugana hortagaan nooc kasta oo argagaxiso iyo xagjirnimo, waxayna muujineysaa inay ka damqanayso dhibtaasi, uguna tacsiyeynayso qoysaska dhibbanayaasha, iyadoo u rajeynaysa dadka ku dhaawacmay soo kabasho degdeg ah’

 

Tirada dadka lagu dilay weeraro ka dhacay bartamaha magaalada Baqdaad ayaa kor u dhaaftay 35 qof, sida uu ku waramay TV-ga Al Arabiya, isagoo soo xiganaya ilaha ciraaq, wuxuuna intaa ku daray in ilaa 100 qof ay ku dhaawacmeen in kabadan.


Loading...
Loading...