Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Warka Sheegaya In Dhalinyaro Somali Ahi Ku Dhinteen Dagaalka Tigreega.

0
Thursday January 21, 2021 - 11:46:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Warka Sheegaya In Dhalinyaro Somali Ahi Ku Dhinteen Dagaalka Tigreega.

    "Waxa aanu sida oo kale arkayna warar la mid ah kuwaas"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa aanu sida oo kale arkayna warar la mid ah kuwaas"

Hargaysa (HWN) Dawladda Itoobiya ayaa ka hadashay wararka isa soo taraya ee ku aaddan in dhallinyaro Soomaali ah oo tababar u joogay dalka Itoobiya ku le’deen dagaalka Gobolka Tigrayga iyaga oo ka barbar dagaallamaya ciidamada Itoobiya.

 

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Mr Dina Mufti ayaa shir jaraa’id ku sheegay in aanay waxba ka jirin in ciidamada Ereteriya iyo Askar Soomaali ahi ka qayb galeen dagaalka dawladda Federaalku kula jirto TPLF. Waxa uu si xooggan u beeniyay in Ciidamada Ereteriya ka qayb galeen dagaalka.

 

"Waxa aanu sida oo kale arkayna warar la mid ah kuwaas (Ciidamada Ereteriya) oo sheegaya in ciidamo Soomaali ahi dagaalka ka qayb galeen, labadaa sheegasho ba waa been aan sal iyo raad toona lahayn,” ayuu yidhi Afhayeenku.

 

Afhayeenka u hadlay Itoobiya waxa uu ku dooday in ay arrintaas faafinayaan dad doonaya in ay hawlgalka ka dhigaan mid khuseeyo gobolka oo dhan. waxa uu intaasi raaciyay in aanay ciidamada Itoobiya u baahnayn gacan dalal kale.

 

More Information Click Here


Loading...
Loading...