Biden Oo Bilaabay Wax Ka Beddelka Siyaasadihii Trump

0
Thursday January 21, 2021 - 08:29:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biden Oo Bilaabay Wax Ka Beddelka Siyaasadihii Trump

    "Ma jiro waqti la luminayo marka ay timaaddo wax ka qabashada xasaradaha aan wajaheyno,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ma jiro waqti la luminayo marka ay timaaddo wax ka qabashada xasaradaha aan wajaheyno,"

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bilaabay inuu wax ka beddelo qaar ka mid a siyaasadihii ugu waaweynaa Donald Trump, saacado kaddib markii la dhaariyay




"Ma jiro waqti la luminayo marka ay timaaddo wax ka qabashada xasaradaha aan wajaheyno," ayuu barta Twitter-ka ku soo qoray xilli uu ku sii jeeday Aqalka Cad.


Madaxweyne Biden ayaa ugu horreyn saxiixay 15 amarro sare ah, oo wax looga qabanayo xanuunka coronavirus.


Kuwa kale waxaa ka mid ah sharciga muranka dhaliyay ee mamnuucista safarka lagu tagi karo Mareykanka, ee dalalka qaar uu kusoo rogay madaxweynaha isaga xilka uu kala wareegay ee Donald Trump


Trump wuxuu Mareykanka ka mamnuucay dadka ka imaanaya dalal uu u arkay in ay keeni karaan khatar amni.

Qodobka ku saabsan qaadidda xayiraadda safarrada waxaa dalalka uu saameynayo ka mid ah Soomaaliya. Haddii la xirgaliyo arrintanna waxaa rajo yeelan doona dad badan oo qaxootinnimo u rajeynayay in ay ku aadaan Mareykanka iyo kuwo baasaboorka Soomaaliga ah ku safri kara.


Waxaa kale oo uu Biden mudnaan siin doonaa in uu Mareykanka ku celiyo heshiiskii isbaddalka Cimilada ee Paris.


Biden ayaa tallaabo u qaadi doona in uu Mareykanka dib ugu celiyo xubinnimada hay'adda caafimaadka adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO.


100 milyan oo tallaalka corona ah ayaa la filayaa in la fuliyo 100-ka maalmood ee ugu horreysa maamulka Joe Biden.


Mr Biden ayaa doonaya in uu dardar galiyo tallaalka fayraska oo dhawaan billowday.

Waxaa kale oo laga filayaa Biden in uu tallaabooyin u qaado sidii loo hormarin lahaa howlaha baadhitaanka fayraska iyo in la kordhiyo qalabka la isaga difaaco cudurka.


Wareegtooyinka madaxweynaha - Mr Biden wuxuu qorsheynayaa in labada isbuuc ee ugu horreysa uu sameeyo arrimahan hoos ku xusan.


  • In uu Mareykanka dib ugu celiyo heshiiska isbaddalka Cimilada ee Paris - waa go'aan ay dalalka caalamku ku qaateen in la yareeyo gaaska hawada lagu sii daayo

  • In uu meesha ka saaro go'aankii mamnuucidda safarrada ee lagu soo rogay dalalka ay muslimiinta ku badan yihiin

  • In uu khasab ka dhigo xirashada maaskarada marka la joogo xarumaha dowladda iyo marka lagu safrayo gaadiidka dadweynaha

  • In uu ballaariyo xayiraadaha qaranka ee loo soo rogay cudurka safmarka ah awgiis

  • In la sii wado hakinta deymaha ay ardayda ku bixiyaan waxbarashadooda, taasoo lagu dhawaaqay intii uu jiray cudurka safmarka ah

 

Kooxda maamulka ee Mr Biden ayaa sheegay in madaxweynaha uu leeyahay qorsheyaal uu dib ugu soo nooleynayo dhaqaalaha waddanka ee hoos u dhacay tan iyo markii uu cudurka faafay.


Isbuucan gudihiisa ayuu madaxweynaha cusub golihiisa wasiirrada ku amri doonaa in ay si deg deg ah u fuliyaan wareegtooyinka uu soo saaro.


BBC

Loading...
Loading...