Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Hees Guulwadayn Ah Oo Loo Sameeyay Maayar Soltelco

0
Wednesday January 20, 2021 - 17:53:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Hees Guulwadayn Ah Oo Loo Sameeyay Maayar Soltelco

    "Hargeysa heeso madax looguma noqon karo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hargeysa heeso madax looguma noqon karo"

Hargaysa (HWN) Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa ka hadlay dayaca baahsan ee ka muuqda Caasimada Somaliland ee Hargaysa.

 

Xoghaye Khadar oo daba socday hees dhawaan Fanaanada Nimco Dareen ay soo saartay oo lagu amaanayay Maayarka Hargaysa Cabdiraxmaan Soltelco ayaa sheegay in aan heeso guulwadayn ah lagu maamuli Karin Hargaysa.




Xoghaye Khadar ayaa sidoo kale sheegay in maayar Soltelco dayacay Fursad muhiim ah oo shacabka Hargaysi siiyeen, waxaanu sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook, oo uqornaa sidan:-


Duqa Hargeysow, dadka reer Hargeysa waxa ay ku siiyeen fursad weyn oo aad aakhiradaada iyo aduunkaagaba ku dhisto. Waxaa laguu dhiibay wixii Caasimadda Hargeysa ay wada lahayd oo dhan, waxa aad haysatay fursad aad ugu adeegto, fursad aad mustaqbal ifaya oo siyaasiya ku dhisto, fursad aad dunida ugu soo bandhigto quruxda iyo wanaagga caasimadda Hargeysa & dadkeedu leeyihiin.


Waxa aan se ka xumahay in aanad fursaddaas ka faa’iidaysan, waan ka xumahay in Hargeysa waddo xumo, nadaafad xumo, caddaalad darro, maamul xumo & daryeel la’aan ay la ooyayso, Hargeysa heeso madax looguma noqon karo ee waxaa madax loogu noqon karaa karti, hufnaan, daacadnimo iyo hawl karnimo.


Hoboladda Nimco Dareen way ku mahadsantahay in ay garawsatay in ay Hargeysa oo basteed ah ay ku soo dhex dhacday iyada oo aan xog hayn. Garowshiiyuhuna waa geesinimo.

Loading...
Loading...