Fanaanada Nimco Dareen Oo Raaligelin Siisay Shacabka Hargaysa + Sababta

0
Wednesday January 20, 2021 - 15:30:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fanaanada Nimco Dareen Oo Raaligelin Siisay Shacabka Hargaysa + Sababta

    "Waxaanay indhahaagu qabanayaan markaad dhex socoto magaalada Hargaysa baahida tirada badan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaanay indhahaagu qabanayaan markaad dhex socoto magaalada Hargaysa baahida tirada badan"

Hargaysa (HWN) Fanaanada Nimco Dareen ayaa raaligelin ka bixisay Hees ay dhawaan soo saartay oo ay ku amaanaysay Maayarka Caasimada Somaliland ee Hargaysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cadiraxmaann Soltelco).

 

Nimco Dareen ayaa si gaar ah raaligelinta usiisay Shacabka ku nool magaalada Hargaysa, iyadoo xustay inay heestii masaxday, sida ay ku sheegtay qoraal ay  baahisay "Ma Qaldame Waa Illaahay ee Raalli ahaada Reer Hargeysow Ani idin Lama Nooli Mana Ogi Duruufaha Jiray Sidaa Awgeed Heestii aad Dhibsateen Hawadaa Ayaa Laga Saaray Anoo idin Tixgelinaya, Shakhsina Shacabka ayaan ka Doortay ee Nabad Ku Waara” ayay tidhi Nimco Dareen

 

Maayarka Magaalada Hargaysa ayay shacabka magaaladaasi ku nool intooda badani ku dhaliilaan in aanu qaba wax qabadkii caasimadu ubaahnayd, iyagoo sheegay in taa badelkeediina uu maayarku ku mashquulay dan shakhsi.

 

Waxaanay indhahaagu qabanayaan markaad dhex socoto magaalada Hargaysa baahida tirada badan ee ka muuqata caasimada, kuwaasi oo ay ugu darantahay waddo xumo iyo nadaafad darro

 

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office


Loading...
Loading...