Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Gudoomiyeyaasha Labada Ee Baarlamaanka Soomaaliya

0
Tuesday April 30, 2019 - 17:14:39 in News by
  • Visits: 1863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Gudoomiyeyaasha Labada Ee Baarlamaanka Soomaaliya

    Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Gudoomiyeyaasha Labada Ee Baarlamaanka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Gudoomiyeyaasha Labada Ee Baarlamaanka Soomaaliya


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Image may contain: people sitting, living room, table and indoor


Labada Guddoomiye ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey shaqooyinkii u qabsoomay Labada Gole muddadii lasoo dhaafay, iyagoona dul istaagay dadaallada joogtada ah ee mudaneyaasha Baarlamaanku ay ugu jiraan dejinta iyo ansixinta sharciyada dalka.


Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta Labada Gole ee Baarlamaanka, si ay u horseeddo qorshe iyo waxqabad mideysan oo sal dhig u noqda xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyeyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa isla qaatay dardar gelinta howlaha horyaalla Baarlamaanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin meel marinta 29-ka hindise sharciyeed ee Xukuumaddu ay gudbisay.

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing and outdoor

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Mudaneyaasha Baarlamaanka in ay ansixiyaan shuruucda hor-tabinta leh, ka hor xiritaanka kalfadhiyada Labada Gole ee haatan socda.



DHAMMAAD

Loading...
Loading...