Maxaa ka jira in ciidanka Soomaaliya ay ka qeyb galeen dagaalkii Tigrey?

0
Tuesday January 19, 2021 - 08:11:03 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka jira in ciidanka Soomaaliya ay ka qeyb galeen dagaalkii Tigrey?

    Maxaa ka jira in ciidanka Soomaaliya ay ka qeyb galeen dagaalkii Tigrey?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa ka jira in ciidanka Soomaaliya ay ka qeyb galeen dagaalkii Tigrey?

Muqdisho(HWN):-Dowladda fedaraalka ee Soomalaiya ayaa beenisay warar maalmihii dambe la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in ciidamo Somaali ah oo tababar u joogay sida la sheegay dalka Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii dhawaan ak dhacay gobolka Tigrey ee waqooyiga Itobiya.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo BBC la hadlay ayaa sheegay in aysan gabi ahaanba jirin ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo ka dagaalamay gobolka Tigrey.


"Ma jiraan ciidamo Soomaaliyeed oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka dagaalamay waqooyiga Itoobiya iyo gobolka Togrey, sabab ay u dhacda-na ma jirto, cid naga codsatay na ma jirto,," ayuu yiri wasiirka warfaafinta.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe

Mr Dubbe ayaa warar been abuu ah ku tilmaamay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomalaiya ay ka dagaalameen gobolka Tigre, islamarkana la doonayo sida uu hadalka u dhigay in lagu wiiqo awoodda ciidamada Soomaaliya.

"Waa warar borobagaandho oo markii la arkay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay dhismayaan oo xoogeysnayaan oo ay isu taagayaan inay ka adkaadaan amniga ayaa la doonayaa in lagu qalqal galiyo hooyooyiinka iyo maatida,," ayuu intaa ku daray.

Wasiirka warfaafinta oo aan wax ka waydiinay inay jiraan ciidamo Soomaliyeed oo lagu tababaro dalka Eritrea ayaa ka gaabsaday arrintaasi.

"Waxaa jira wadamo badan oo aan saaxib nahay , wadamadaas waxay si bilaa shuruud ah noogu tababaran dhismaha ciidanka, si ay ciidamadeedna u noqdaan ciidamo amniga dalka soo celiya oo suga oo aanu kaga maarano oo aan kaga maarano ciidamada midowga Afrika,," ayuu yiri Mr Dubbe,
Wasiirka ayaa dhanka kale xusay in waalidiinta ka walaacsan caruurtooda tababarka u jooga dalka dibadiisa iyo gudahiisaba in caruurtooda ay u dhaarteen oo kali ah difaaca dalkooda oo aysan meelo kale ka dagaal gali doonin.

"Waxaan ugu niyad qaboojinayaa in wiilashaasi ay u dhaarteen dalkooda diyaar-na u yihiin difaaciisa ay nabad qabaan hadii uu dalka gudihiisa joogo iyo haddii dalka dibadiisa jogaba uu mar walba u taagan yahay difaac dalkiisa niyad samiidaa-na waan ugu lab qaboojinayaa waalidiinta,," ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa ka dambeeyay ka dib markii maalmihii u dambeeyay la isla dhexmarayay warar sheegayay in ciidamo dowoladda Soomalaiya ay tababar u geysay Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Tigrey ee waqooyiga Itoobiya.

Xigasho:-BBC-Somali 

Loading...
Loading...