'' Diiradda Sharcigga , Xukun Degdegga '' . W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Tuesday April 30, 2019 - 16:37:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Diiradda Sharcigga , Xukun Degdegga '' . W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Xukunka degdega ah sharci ahaan qeexidiisa waxa loo yaqaanaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukunka degdega ah sharci ahaan qeexidiisa waxa loo yaqaanaa '' soo rogid dawladdu soo rogto xukun ku meel gaadh ah oo hakinaya shuruucda madaniga ah , si dawladu u qaado talaabooyin aan horre u qaadi jirin sharci ahaan '' .


Sharcinimadda Xukunka degdega ah .



Xukunka degdega ah , waxaa soo rogi kara Madaxwayna sidda ku xusan qodobka 92 eed ee Distoorka Somaliland , Madaxwaynuhu wuxuu xaq u leeyahay ku dhawaaqista xukunka degdega ah , waxaana soo jeedintaas ansixinaya labadda gole , sadex bilood ka dib ayaana dib loo eegayaa xaaladda degdega ah .


Saamaynta xukunka degdega ah .


Mudada uu socdo xukunka degdega ah , waxaa laggu shaqaynayaa xeerka nidaamka guud ee loo yaqaano Public Order Law , xeerkaas oo soo baxay December 1963 , kaasoo ka kooban 78 qodob .


Sharci ahaana waxa loo yaqaanaa Laalid ama ( Drogation) taasoo macnaheedu yahay in shuruucdii kale loo laalay si ku meel gaadh inta xaaladaasi socoto , mudadaasna waxa laggu shaqaynayaa oo keliya xeera xukunka degdega ah .


Mudada ay socoto xaaladaa degdega ihina , waxaa la hakiyaa shuruucda kale , waxaana laggu shaqeeyaa xeerkan nidaamka guud , sidaa darteed waxaa la xadidaa xuquuqaha bulshadda ay siinayaan xeerarkaa kale , sidda xaquuqda dhaq-dhaqaaqa , xuquuqda isu soo baxyadda , isu imaatinadda iwm.


Duruufaha keena xaalad degdega .

Xaalad degdega duruufaha keena , waxaa ka midda , Nabadgelyo darooyinka , abaaraha , cuduradda iyo duruufaha la midda oo khatar ku noqon kara amniga qaranka iyo nidaamka guud ,sidaa darteed ujeedooyinka loosoo rogaa waa la tacaalista dhibaatooyinka sababay xaaladda degdega iyo wax ka qabashadooda .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...