Warbixin Qoor-Qoor, Lafta gareen Iyo Guudlaawe Oo Fursad u arka Soo laabashada Farmaajo.

0
Sunday January 17, 2021 - 17:39:45 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2036
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin Qoor-Qoor, Lafta gareen Iyo Guudlaawe Oo Fursad u arka Soo laabashada Farmaajo.

    Iscasilaadii Shariif waxaa ay noqotay Qodax Xanuun badaneyd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iscasilaadii Shariif waxaa ay noqotay Qodax Xanuun badaneyd

Xog: Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Lafta-gareen oo xalay kulmay iyo shaki soo galay | Caasimada Online

Bilowdgii Siyaasada Arimaha Gudaha ee Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu Daahfuray qorshe tigida loogu siibey Maamuladii horey udhisnaa ee aan Hogaankooda lagu dooran habraac Dowladdiisu ay dajisay,

 

Tilaabadii koobaad loo qaaday dhanka Maamul Gobaleedyada ee noqotay tijaabadii guuleystay waxaa ay aheyd Xilka qaadistii Madaxweynihii Hore Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo loo adeegsatay Baarlamaanka Maamulkaasi oo Xilka uga qaaday 14 August 2017-kii kulan uu ka maqnaa Gudoomiyihii Golaha wakiilada xiligaasi.

 

 

 

inkastoo Muddo ka dib uu iskaga qancay xilka xayuutintii lagu sameeyey, Cosoble ayaa tilaabadaas ku tilmaamay in ay aheyd Duulaan siyaasadeed oo "Villa Somalia" ay ku qaaday Maamulkiisa islamarkaana ay hogaaminayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Xassan Cali Kheyre markaas Ra'iisulwasaarihiisa ahaa.

 

 

Sidii fududeyd ee looga taqalusay Maamulkii Cosoble waxaa ay noqotay Halbeeg Feecan oo looga Cabirqaatay isireyntii Xisaabtii Siyaasadeed Meesha looga saaray Hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada ee hor udhisnaa,wax yar ka dibna Siyaasadisii "Villa-Somalia" waxaa ay bilowday Dhiilo dhaansi Xoogan oo ku wajahan sidii ay meesha uga saari laheyd hogaamiyihii Maamulka Koofur Galbeed oo markaas ay soo dhawaatay Doorashadiisa.

 

 

Cadeymaha la helay ee ka marqaati kacay in Dowladda Muqur iyo Maalba ay ku bixisay sidii koofur Galbeed uu Madaxweyne uga noqon lahaa shaqsiga ay wato waxaa ay ahaayeen in Diyaarado lagu qaaday Gaadiidka aan Xabadu karin ee loo yaqaano buleet Baruufta (Bullet Proof) iyo Booliska sida gaarka ah utababaran, arintaasi oo Madmadow iyo Shaki ku abuurtay dhamaan dadka hamigu uga jiray Kursiga Madaxweyne Koofur Galbeed, waxaana cadaadis Xoogan loo saaray dib iscasilay Madaxweynihii hore oo Koofur Galbeed Shariif Xassan Aadan oo war-saxaafadeed uu soo saaray 07-11-2018kii ku dhawaaqay in uu xilka iskaga tagay si loo badbaadiyo Maamulka Koofur Galbeed loogana baaqsado dhibaatooyin ka dhasha loolanka Doorashada Koofur Galbeed.

 

 

Iscasilaadii Shariif waxaa ay noqotay Qodax Xanuun badaneyd oo ka siibatay Qorshaha Dowladda ee Koofur Galbeed waxaase wali Halis siyaasadeed loo arkay Muqtaar Rooboow Cali Abuu Masuur Afhayewnkii Hore ee Alshabaab oo markaas bilow ka hore ka soo baxay duurka Deegaanka Abal ee Gobalka Bakool kaas oo taageero weyn ka heystay shacabka koofur Galbeed oo ka dhex imaanayeen xildhibaanada Wax dooranaya.

 

uga danbeyntiise Wadaadkaas waxaa gacan adeg kula tagay Ciidanka Itoobiya iyo Booliska gaarka ah ee hada loo yaqaano "Haramcad" kuwaasi asaga oo Maxbuus ah Diyaarad ku qaatay, Baydhabo-na waxaa ay isku bedeshay qalalaasi intii ay Socdeen toogasho lagu dilay ku dhawaad 20 ruux oo uu ka mid ahaa xildhibaan heer Maamul ah Halkaasna waxaa bilowday Barnaamijka Dowladdaan ay Caanka ku noqotay ee "Wareega Koobaad"

Cabdicasiis lafta-gareen oo ahaa Wasiir ka tirsanaa Xukumadda Federaalka ayaana Madaxweyne loogu doortay Wareega koobaad ee Doorasho dhaliilo badneyd oo ka dhacday Baydhabo.

 

 

Si loo horumariyo Barnaamijka "wareega Koobaad " oo tijaabo wanaagsan soo marey waxaa la iska horkeenay Hogaankii Ahalusunna iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ugu danbeyntii Maalmo uu xabsi guri ku ahaa ka dib goor galab ah iska tagay Dhuusamareeb,islamarkaan dib ugu laabtay Cadaado oo markii horey uu geedi gurasho ah oo uu Maamulka ka soo raray, taasi waxaa ay soo dadajisay in madax salaax iyo seeta dheerin siyaasaadeed oo lagu soo dabayey ka dib ay Dowladdu xoog ku Maquuniso Ahalusunna bilowgiiba lagu hoday balan-qaadyo la xariirey in la siinayo maqaam gaar ah oo Awood qeybsi,balse loogu bedelay Dagaal qaatay in ka badan 24 Saac,iyada oo Dhuusamareeb weli ka dhex yeereyso baroorta Hooyooyinkii wiilashoodi la dilay, Dowladda Federaalka ayaa qabatay Doorasho "wareega Koobaad" uu ku soo baxay Axmed Cabdi kaariye oo horey uga tirsanaa Xukumada Federaalka.

 

 

 

Muddo ka dib Dowladdu waxaa ay Maqaarsiib siyaasadeed ku sameeysay Madaxweynihii Labaad Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare oo xilka iscasilay ka dib markii sida la sheegay ay Awoodiisi la wareegeen Xubno ka tirsan Dowladda iyo Madaxweyne ku xigeenkiisi oo Maalmo ka dib uxuubsiibtay Murashax,kaasi oo ugu danbeyntii Madaxweyne ku noqotay " "Wareega Koobaad"ee Doorasho ka dhacday Magaalada Jowhar.

 

 

Madaxweynayaasha wareega koobaad Dowladd Gobaleeyda Gobaleeyda Koofurta,Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa umuuqda in geedka hooska qabow leh ee ay harsanayaan uu yahay Madaxweyne Farmaajo Cabdulaahi Farmaajo oo in dib loo soo doortaa ay ku xiran tahay Mustaqbalka Xil heyndoota maadaama qaabkii lagu soo dooraty uu ahaa mid aan daahfurneyn sida ay qabaan dadka ku xeeldheer arimaha isbedelka Siyaasadeed.

 

Waxaa guuldareystay wada hadalo iyo kulamo gaar ah Sadexdaan Madaxweyne ay la qaateen Madaxda Puntland,Jubbaland iyo Golaha midow Musharixiinta,sidoo kalena waxaa la sheegay inay ka dhago fureysteen baaqyadii beesha Caalamka oo hadii la tixgalin lahaa goor hore ay dalka Doorasho ka dhici la heyd.

 

Dadka xog ogaalka u ah Siyaasada ayaa aaminsan in Sadexdaan hogaamiye ay heysto labo daran mid dooro oo kala ah walwalka laga qabo in Doorasho hadii ay dhacdo uu soo laaban waayo madaxweyne Farmaajo islamarkaana uu yimaado hogaamiye xilka ka xayuubiya isla mid iyo in hadii ay aqbalaan Xeerinta Xaalada dalka uu ku jiro iyo Codsiga Mucaaradka ee ku aadan xalinta tabashada Doorashooyinka inay wajahaan xilka qaadis loo adeegsado Baarlamaanka Maamuladooda, taasi oo mida ku qasbeysa in hogaamiyaashaan ay taageeraan Doorashada Maamulkeeda loo dhiibay Guddiga sida la sheegay ay ku jiraan Xubno ka tirsan Shaqalaha Rayidka iyo Ciidamada qalabka sida arintaas oo lagu tilmaamey Farsamo qurux badan oo lagu Afduubanayo Doorashada Golayaasha Baarlamaanka iyo Madaxtooyada taas hirgalkeedu uu ka dhigan Dimuquraadiyadii oo Ceel ku dhacay.

 

 

 

Waxaa la aaminsan yahay in hadii sadexdaan Maamul Gobaleed ay ufakari lahaayeen si ka madax banaan siyaasada Dowlad Madaxweynaheedu uu Musharax yahay, in laga baaqsan karey iska feer Magacaabida labadda Guddi Doorasho ee Dowladda iyo Musharixiinta,arintaan oo Bar-madow ku ah taariikhada Siyaasada Soomaaliya maadaama labaatankii sano ee dib loo bilaabay Baadigoobka Dowladnimadii Soomaaliyeed aysan dhicin in sidaan oo kale guddiyo la iska feer dhiso.

 

Sidookle Dad badan ayaa aaminsan in naqshadaynta Doorasho aan loo dhameyn ay soo bilaabatay wixii ka danbeeyey markii Cadaadis la saaray ka dib uu xilka ka ugu dagay Gudoomiyihii hore Golaha shacabka Maxamed Sheikh Jawaari, qorshahaas oo Daboolka tuurtay Markii Xilka laga qaaday Raiisulwasaarihii Hore Xasan cali Kheyre.

 

Shacabka Muqdisho oo ay ku dhacay dhibaatadii kugu weyndii Dagaalkii wajada kala duwan lahaa ee ku dhawaad 30 Sano qaatay ayaa ka niyad jabsan Doorashooyinka Sanadkaan kuwaas oo walwalka ay qabaan uu yahay in dhinacyada turiinsho la'aantu ay ka muuqato in Murankooda Siyaasiga ah uu isku bedelo gacan ka hadal.

 

Wakiilada beesha caalamka ayaa dhankooda wada kulamo aan ficil la heyn oo natiijadoodu ay tahay in Walaac laga muujiyo xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya, mana jiro tanaasul ay muujiyaan dhinacayada Siyaasada oo isku eeddeyna in mid-walba taageero shisheeye ay jaabka ugu jirto.

 

 

Waa Galmudug,Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle go'aan qaadashadada arimaha Siyaasada dalka ay u egyihiin gacan gadaal ka baqeysa,Ra'iisulwasaare Rooble oo hadaladiisu iskhilaafsan yihiin aaqrinkiina ku dhawaaqay Doorasho ay ka maqan yihiin qaarka mid ah Maamul Gobaleeyada, Madaxweyne Farmaajo oo noqday rimuudka aamusan oo meel fog wax ka hagaya ,Jubbaland iyo Puntland oo Xulufo ku noqday in Ciidanka laga soo saaro Xuduudaha Dalka ee Gobalka Gedo,Musharixiinta oo wata Guddi Doorasho oo Maalinba Hotel fariimo ka soo dira iyo shacabka oo ku jaahwareesan oo qaarkood ay aaminsan yihiin in yihiin qoryihii ay dhariga ku shidanayaan danleyda siyaasadeed oo mid walba uu ka uur gubanayo in uu waayo dantiisa gaarka ah.



 

Waxaa Qoray Mohamed Abdukadir Silver

Loading...
Loading...