Amb, Jemis Swan Oo Ku Wajahan Somaliland

0
Sunday January 17, 2021 - 12:42:37 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amb, Jemis Swan Oo Ku Wajahan Somaliland

    Somaliland ayaa dhamaadkii sannadkii hore joojisay Hawlihii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland ayaa dhamaadkii sannadkii hore joojisay Hawlihii




Magaalada Hargeysa ee degaannada Soomaaliland ayaa waxaa la filayaa in Maalmaha soo Aadan inay tagaan Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo Wakiilka QM ee Soomaaliya Amb, Jemis Swan.

 

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ujeedka Magaalada Hargeysa uu u tagayo Wakiilka Qaramada Midoobay, Madaxda Soomaaliland kala hadlayo khilaafka soo kala dhex-galay si dib loogu soo celiyo wada-Shaqeyntii ka dhaxeysay.

Somaliland ayaa dhamaadkii sannadkii hore joojisay Hawlihii Qaramada Midoobay ka haysay Somaliland, ka dib markii ay Soomaliland at sheegtay in qorshaha Waxqabadka QM ee afarta sanadood ee soo socda uu waafaqsan yahay Dawladda Soomaaliya.

 

Wakiilka QM ee Soomaaliya Amb, Jemis Swan ayaa la filayaa in uu la kulmo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyaga oo ka wada hadli doono xalka gaarista khilaafka labada dhinac iyo dib usoo celinta wadashaqeyntii ka dhaxeysay


Loading...
Loading...