Muxuu wakhtigu ibaray?

0
Sunday January 17, 2021 - 11:19:42 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu wakhtigu ibaray?

    Qore:- mustafe abdilahi hassan ( Mustafe Rayale)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- mustafe abdilahi hassan ( Mustafe Rayale)


Image may contain: 1 person, standing


10 qodob oo kamida Khibradihii aan ka dhaxlay xiligii xilka siyaasadda:-

FG:- si aad qoraalkayga ula qabsato, aan idin xasuusiyee, xukuumadda madaxweyne mustafe ayaa bilowgii isbedelka waxay ii magacowday gudoomiye degmo, waana xilkii ugu sareeyay ee aan dawlad qabto qalinjabintaydii master-ta kadib.

1. Waxaan ogaaday in caqabadkaste oo timaadda laga gudbi karo, go,aan adayguna mararka qaar uu yahay geesinimo.

2. Waxaan bartay in daacadnimadu iyo illaahay oo masuulku ku xidhnaado ay tahay siyaasadda ugu fiican,somali badani way khalad-fahmeene siyaasaddu maaha munaafaqad, been iyo xaasidnimo.

3. Wakhtigu wuxuu ibaray in ninka dawlad ushaqaynayaa ay adagtahay inuu xaaraan ka badbaado si kastoo aad wadaad ama sheekh utahay.

4. Wuxuu wakhtigu ibaray inay jiraan had iyo jeer dad kula shaqaynaya oo dawladaada kamida oo lkn iyagu raba inay dawladu fashilanto, oo aanay ku guulaysan

qorsheyasheeda, magaranayo ma xisbiyo kale ayaa soo dirtay, ma reerkooda dawladda diidan, mise dabcigiisa shaqsiga ah ayaa iska sidan ah.

3.Waxaan bartay in ka dhexshaqaynta reerkiinu ay keeni karto adigoo halyay ah, inaad hagaasto, kadib markay lugaha kuqabtaan ee kuudiidaan inaad hore usocoto.

5. Waxaan ogaaday in hormarkaste oo la hirgalinayo, ay caqabado iyo khasaare ka horeeyo, waxaa layidhi (faaiidoow xagee baad naga xigtaa? Waxay tidhi dhibbaan debadeeda yaalaa.

6. Wakhtigu wuxuu ibaray in sune ay ka noqotay siyaasadda deegaanka in masuulka xilka hayaa uu iska laaluusho, midka kasareeya, si uu xilka ugusii raago, anna arinkaas kama warqabin.

7. Wakhtigu wuxuu ibaray in jacaylka bulshada uu illaahay bixiyo, oo xataa qaar aan ku aqoon uu quluubtooda jacayl kuugu tuuri karo, balse aanay ku xidhnayn, ama aan lagu helin, lacag badan oo labixiyo sidii cabdi Maxamuud Cumar, iyo itusnimo lamuujiyo xiligaad waxqabanayso midna. Sidaa darteed ay muhiimtahay inaad wax ku qabato daacadnimo iyo ikhlaas.

8. Waxaan ogaaday in dadka siyaasadda kujiraa, 2kooxood yihiin, qolo siyaasaddu hiwaayad iyo balwad utahay, una dhashay hugaaminta iyo qolo magacaabistuun ku dhacday oo shaqo tag ahaa.

9. Wakhtigu wuxuu ibaray in aan dadka la iskawada aaminin.

10. Wakhtigu wuxuu ibaray duruufuha ka dhasha xilka qaadistaada kadib, adigoo ahaan jiray masuul darajo sare leh, oo lamaamuuso, islamarkaana maamula malaayiin lacag ah, runtii abaal gaara ayaan uhayaa shacabkagya qaaliga ah ee aan masuulka u ahaa, oo aad niyadda iigu dhisay, sidoo kale waxaan abaal aan duugoobin uhayaa saaxiibadaydii isxilqaamay ee sida wayn iiga warhayay xil kaqaadistaydii kadib.

Adiga muxuu wakhtigu kubaray?

Qore:- mustafe abdilahi hassan ( Mustafe Rayale)

Dhiirigaliye bulsho.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...