Shirkadda Telesom oo Daah-furtay Adeegga Cusub ee WAAFI
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday xarunta shacabka ee shirkadda Telesom, waxaana xafladaasi ka soo qayb-galay Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Xoghayaha guud ee Rugta Ganacsiga Somaliland, Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland, boodhka shirkadda, saamileyda shirkadda, marti-sharaf kale iyo shaqaalaha shirkadda Telesom.
Xafladdan waxaa ka hadlay Cabdisalaan Ismaaciil Nuur oo ah agaasimaha Horumarinta Ganacsiga ee shirkadda Telesom, waxaanu si faahfaahsan uga hadlay adeegga WAAFI iyo adeegyadda uu ka kooban yahay iyo faa’iidooyinka uu u leeyahay macaamiisha Telesom ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa.
Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikariin Maxamed Iid ayaa isna sheegay in shirkadda Telesom ay marwalba ka go’an tahay inay bulshaddeeda u keento adeegyo casriya oo kala duwan kuwaasi oo wax weyn ka tari doona dhaqaalaha, caafimaad iyo Waxbarashadda Dalka.
Dr. Cabdiweli Sh. Cabdilaahi - Wasiirka Teknoolajiyada iyo isgaadhsiinta, Iid Daahir Faarax oo ka mid ah saamilayda shirkadda Telesom, Sucaad Carmiye, Eng Cabdiqaadir Iiman Warsame iyo Nafiisa Yuusuf Maxamaed oo ah Agaasimaha Fulinta Nagaad, waxay masuuliyiintani shirkadda Telesom ku amaaneen adeeggan ay bulshaddda u soo kordhisay iyo waxaanay si qoto dheer uga nuuxnuuxsadeen qiimaha ay shirkaddu qaranka ugu fadhido.


0 





