Ismacil Cumar Gelle Oo Martkii 5aad Musharax ah Iyo Mucaaradka Oo Ku Dhagan.
Doorashada Madaxtinimo Ee Dalka Jabuuti Ayaa Loo Balansan Yahay Inay Bilaabato Bilowga Bisha 3aad Ee Sanadkaan, Sida Uu Shaaciyaya Xisbiga Talada Haya Ee Djabuti.
Ismaïl Omar Guelleh Oo Hogaaminaayay Dalka Djibouti Tan Iyo Sanadkii 1999 Ayaa Mar Kale Ku Dhawaaqay Inu Yahay Musharax Madaxweyne, Waana Markii 5aad Oo Geelle Isku Soo Taagayo Xilkaasi.
Arintaasi Waxaa Ku Gacan Sayray Madaxda Xisbiyada Siyaasadeed Dalkaasi Kuwaasi Oo Sheegay Inay Tahay Wax Laga Xumado In Gelle Iska Maamusho Hogaaminta Dlka Djabuuti Mudo Ka Abdan 20Sano, Iyagoona Dalbaday Isbadal Ka Dhaca Dalka Djabuuti.
Aadan Xasan Cilmi Oo Ka Mid Ah Xisbiga Talada Haya Ee RPP Ayaa Sheegay In Dalka Djabuuti Aay Ka Jirto Democradiyad Qaangaartay, Isagoona Intaa Ku Daray In Dastuurka Dalkaasi Uu Ogolaanaayoo In Ismaïl Omar Guelleh Markale U Tartamo Hogaaminta Dalka Djabuuti.
Aadan Xasan Cilmi Ayaa Sheegay In Sababta Ismaïl Omar Markale Isku Sharaxay Ay Tahay Dalab Kaga Yimid Shacabka Dalka Djtuubi Oo Dhawaan Isusoobax Balaaran Ka Sameeyay Gudaha Dalkaasi, Gaar Ah Dhalinyarada Oo Uu AADAN Sheegay Inay Bulshada Djabuuti Ka Yihiin 60% Sidaasna Geele UU Go’aansaday Inuu Isu Sharaxo Hogaaminta Shacabka Djabuuti.
Aadan Xasan Cilmi Ayaa Tilmaamay In Djabuuti Ay Saldhig Y Tahay NABADA Geeska Africa, Islamarkaand Dhibaatooyinka Dhaqaale Iyo Amniga Xalkoodu Loogu Baadi Goobo Dalka Djabuuti Oo Dhawr Goor Marti Galisay Shirar Xal Radiska Gobolka Ahaa, Arintaasi Oo Ku Micneeyay Inay Horseeday Hogaanka Wanagsan Ee Geelle Layimid Waa Siduu Hadal U Dhigee.
Aadan Xasan Cilmi Ayaa Shacabka Djabuuti Ugu Baaqay Inaysn Dhagaysan Hadalada Mucaaradka Balse Aay Eegan Wax Qabadka Geele Ka Sameeyay Intuu Hogaaminaayay Dalka Djabuuti.
Abdirahman Mohamed Geele Gudoomiyaha Xisbiga RAAD Ee Mucaaradka Ah Aya Sheegay In Ismaïl Omar Guelleh Uu Yahay Nin Kaligiis Talis Ah Ismarkaana Diidan In Talada Dalkaasi Uu Sinabad Ah Ku Wareejiyo.
Abdirahman Mohamed GeeleAyaa Ku Eedeeyay Ismaïl Omar Guelleh Inuu Isbadal Ku Sameeyay Dastuurka Dalkaasi 2010kii Isagoo Doonayay Inuu Ku Raago Kursiga Madaxtinimo Ee Dalkaasi. Xiligaasi Ka Hor Dastuurka Dalkasi Oo Dhigayay In Madaxweyne Uusan 2jeer Ka Badan Tartami Karin.
Abdirahman Mohamed Geele Ayaa Xusay In Dalka Djabuuti Maamulkiisa Oo Hal Qoys Gacanta U Galay Kaasi Oo Uu Ku Sheegay Inuu Diidan Yahay Dumuqraadiyad Ka Shaqaysa Dalkaasi, Isagoona Tusaale Usoo Qaatay Dalka Soomaaliya Oo 9Madaxweyne Soo Mareen Intuu Gelle Ahaa Madaxweynaha Dalka Djabuuti.
Mucaaradka Dalka Djabuuti Ayaa Ku Goodinaaya Inay Ka Guulaysan Doonaan Madaxweyne Ismaïl Omar Guelleh, Balse Waxay Siweyn Ugu Eedaynayaan In Dowladu Aysan Ka Go’neen Inay Qabo Doorasho Xor Iyo Xalaal Ah.
Hadal Haynta Ugu Weyn Doorashada Dalka Ayaa Sidee Geele Ku Aqbali Doonaa 21sano Kadib In Kursiga Isagoo Nabad Ah Wareejiyo Hadii Looga Guulaysto Doorashada Dalkaasi Ka Dhacaysa Bisha 3aad Eee Sanadkaan.