Guddoomiyha Gobolka Hiiraan oo sheegay in Ciidamada liyuu Boolis afduub ka geysteen Hiiraan

0
Saturday January 16, 2021 - 08:58:29 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyha Gobolka Hiiraan oo sheegay in Ciidamada liyuu Boolis afduub ka geysteen Hiiraan

    Indhaha kama qabsan doono ciidanka Liyuu Boolis ee maalin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Indhaha kama qabsan doono ciidanka Liyuu Boolis ee maalin




Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in Ciidamada liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ay dhibaatooyin kala ka geystaan meelo kamid ah Gobolka Hiiraan.

 

Waxaa uu sheegay in Ciidamada liyuu Boolis ay maalin walba dadka iska xirtaan, isla markaana Shacab aan waxba galabsan ka afduubteen inta u dhaxeysa degaannada Xudeey iyo Wagle.

 

 

"Indhaha kama qabsan doono ciidanka Liyuu Boolis ee maalin walba dadka ka xir xiraayo gudaha Soomaaliya gar ahaan xududka Hiiraan, dad isugu jiro shacab iyo ciidan ayay si Afduub ah uga qabsadeen inta u dhaxeeyso Xuday Weglle iyo dareerte sifo sharci daro ah ayayna ku heestan mana jirto ciid nagala hadashay arintaas oo nagala xajootay waxana ay arintaas dhalineeysa cawaqiib xuumo daran” ayuu yiri” Cali Jeyte.

 

Cali Jeyte Cismaan oo ku sugan degmada Feerfeer ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Hiiraan uu ka jawaabeyi doonaan dhibaatada Ciidamada liyuu Boolis ay xaduudka la geysanayaan.

 

Xadka uu Gobolka Hiiraan la wadaago Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada liyuu Boolis iyo dadka degaannadaas oo sheegay inay dhibaatooyin ku qabaan.


Loading...
Loading...