Waa Maxay Faa'iidada Caafimaad ee Laga Helo Cambaha?

0
Friday January 15, 2021 - 19:25:52 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Faa'iidada Caafimaad ee Laga Helo Cambaha?

    Taxanaha Caafimaadka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taxanaha Caafimaadka.


Image may contain: 1 person, food


Cambaha oo mid ka mid ah khudaarta ugu macaan ee ugu caafimaadka badan, sidoo kalena wanaagsan tahay in si joogto ah loo cuno, kaasoo ay ka buuxaan nafaqo iyo faytamiinno badan.

Haddaba, daraasado badan oo cambahana laga sameeyey oo qormadeenan ku soo ururin doono waxa ka mid ah faa’iidooyinka caafimaad ee cunistiisu qofka u leedahay;

1. Wuxuu wanaajiyaa shaqada hab-dhiska difaaca cudurrada jidhka: Haddaad doonayso in aad ka shaqaysiyo hab-dhiska difaaca cudurrada ee jidhkaaga waxaad isticmaasha oo aad cuntadaada si joogto ah ugu dartaa cambaha.

Cambaha waxa ku badan madooyinka la yidhaahdo Carotenoid oo jidhku u beddelo faytamiin jidhka ka ilaaliya in cudurradu si fudud ku galaan.

Sidoo kale Cambaha waxa ku badan faytamiin C-ga, kaasoo si fiican uga shaqaysiiya hab-dhiska difaaca jidhka, uuna saamaxa in cudurrada iyo waxyaabaha waxyeellada leh ee jirka dibada kaga imanaya uu si fiican isaga difaaco.

2. Waxa uu ka difaac u yahay Kansarka: Cambaha amma mangaha oo uu aad ugu badan yahay maadada Antioxidant iyo faytamiinada waxa uu hoos u dhiga sida ay muujiyeen daraasado badan oo laga sameeyey khatarta cudurka Kansarka.

Cilmi-baadhisaha lagu sameeyey cambaha waxay tilmaameen in maadooyinka ka mid yihiin Astragalin, Quercetin, Gallic Acid, Isoquercitrin, methylgallat iyo Fisetin oo cambaha ku jira ay jidhka ka ilaaliyaan in kansarka ku ku dhaco, gaar ahaan noocyada mindhicirada, naasaha, qanjidhida iyo kuwa kale oo badan.

3. Cambuhu wuxuu wanaajiyaa shaqada maskaxda: Cambaha oo uu ku badan yahay faytamiin B6 oo daruuri u ah in hab-dhiska dareenka amma neerfisyadu si fiican u shaqeeyo, isla markaana maskaxdu qabsato shaqada ay jidhka u hayso, ayaa haddana faytamiin B6 waxa uu maskaxda ka caawiyaa inay gudbiso farriimaha maskaxdu kala dirto, waxaannu u fiican yahay hurdada.

Waxa kale oo uu ka kooban yahay maadada Glutamine oo ay ku jirto Amino Acid, taasoo qofka u saamaxda inuu xasuus wanaagsanaado.

4. Beerka ayuu Difaacaa: Cunista cambuhu wuxuu sidoo kale ka qaybqaata in beerka laga difaaco xannuunnada. Waxyaabaha ku badan cambaha ee Antioxidants ka mid yihiin waxay kenaan in beerka ay ka saraan sunta waxyeellada keenta, waana waxyaabaha ugu fiican ee caafimaadka beerka wanaajiya.

5. Waxa uu yareeyaa subagawga: Cambaha oo leh faa’iidooyin badan oo caafimaad waxa uu ka qaybqaataa in jidhka qofka uu hoos uga dhigo subaga ku bata ee keena beer subagawga iyo in duxdu qofka ku badato oo xataa wadnaha gaadho, waayo maangaha waxa ku badan firiga amma maadada la yidhaahdo Pectin oo ka qaybaadata in hoos loo dhigo duxda. Sidoo kale waxa uu yareeyaa xawliga dhiiggu ku socdo ee sababi kara dhiig-karka.

6. Waxa uu kantaroolaa miisaanka qofka: Haddii aad doonayso inaad iska rido miisaan ku dheeraad ah amma culays, isla markaana aad rabto in miisaankaaga aad halka uu taagan yahay ku ilaaliso waa in qofku quuta khudaarta uu cambuhu ugu horreeyo.

Daraasado tiro badan oo la sameeyey ayaa lagu helay in quudashada cambaha diirkiisa lahe u fiican tahay xakamaynta miisaanka qofka, waxaana la ogaaday in diirka cambuhu uu unugyadaa keena in qofku naaxo ka hortagaan, miisaanka qofkana halkiisa ku ilaaliyo.

7. Waxa uu muhiim u yahay hab-dhiska dheef-shiidka: Cambuhu waxa uu wanaajiya in hab-dhiska dheef-shiidku si fiican u dhaco, waayo waxa ku badan cuntada fiber-ta ah, taasoo ka qaybqaadata in jidhku iska saaro sunta iyo hadhaaga caafimaadka u xun.

Cambaha waxa ku badan macdanta Potassium-ta la yidhaa, taaso nafaqo badan leh, qofka oo macdantani ku yaraatana waxa ku dhaca in dareeraha jidhkiisa ku jira dheelitirmi wayaan, taasina ay keento calool istaag (Constipation). Xabbadda cambaha ah waxa uu ka kooban yahay 560 mg oo Potassium ah, taasoo macnadeedu tahay inuu 16% kafaalo qaadi karo macdanta Potassium ah ee qofku maalin kasta u baahan yahay.

Cambuhu ma macaana oo kaliya, balse wuxuu leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo tiro badan, waana ku jira nafaqo iyo faytamiino aad u tiro badan, kuwaasoo daruuri u ah in qofka caafimaadkiisu wanaagsanaado.


          Qoraa Dr.Liiban

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...