70 Soomaali ah oo laga Celiyey Maraykanka

0
Friday January 15, 2021 - 16:15:11 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    70 Soomaali ah oo laga Celiyey Maraykanka

    Dadkan todobaatan kamid ah waa Soomaali, halka labaatan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadkan todobaatan kamid ah waa Soomaali, halka labaatan




Ugu yaraan 90 qof oo isugu jira Soomaali iyo dad u dhashay wadamo kale ayaa laga soo gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

 

Dadkan ayaa isugu jira dad magan galyo doon ah oo loo diiday magangalyada iyo dad galay dambiyo kala duwan kuwaasi oo ay maxkamadi xukuntay, iyadoona laga dajiyay gobolka Luusiyaana oo la geeyo dadka dalalkooda loo celinayo.

 

Dadkan todobaatan kamid ah waa Soomaali, halka labaatan kamid ah ay ka yimaadeen Koofurta Suudaan, waxayna kamid yihiin dalalka uu Mareykanka xayiraadda Saaray.

 

Urururada u dooda xuquuqda dadka Soomaalida ee Mareykanka ayaa sheegay in xiligaan dadkaan Soomaaliya lagu celin, sababo ammaan dartood.

 

Maxamuud Muuse Xasan (BBC) oo u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda Soomaalida Mareykanka oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dadkaan ay ku jiraan dad aan garaneyn Soomaaliya isla markaana aan waligood tagin.

 

” Wiil kamid ah dadkii hore loo dhoofiyay waxaa kamid ahaa wiil Soomaali ah oo markii uu tagey la kulmay qarax oo geeriyooday” ayuu yiri Maxamuud.

 

Maxamuud ayaa hadalkiisa ku sii daray in maamulka Madaxweyne Trump ay si ku adag yihiin siyaasadda Qaxootiga, isla markaana ay maamulka cusub ee Joe Biden ay ka filayaan isbadal.

 

Dowladda Mareykanka ayaa amartay in laga celiyo dalkaasi 4,800 oo isugu jira qoxooti iyo dad danbiyo galay,illaa hadda 1,440 ayaa laga celiyay dalkaasi.



voasomali
Loading...
Loading...