Dimuqraadiyadii Traam Doorkan Sameeyey,Uu Doonaayo Farmaajo,

0
Friday January 15, 2021 - 14:18:00 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 877
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dimuqraadiyadii Traam Doorkan Sameeyey,Uu Doonaayo Farmaajo,

    waxaa qoray Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa qoray Ismail Abdillahi Handuleh.



Dimuqraadiyadii Traam Doorkan Sameeyey,Uu Doonaayo Farmaajo,

Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B],

 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasheeda.

 

Waa La Soo Dalbadaye,U Soo Dhiga Mar Kale.

 

Dunido Dhan Aduunkan,

 

Wax Dusha Calan Saara,

 

Dawladuun La Yidhahdo,

 

Doorashooyin Sameeya,

 

Dimuqraadiyad Sheegta,

 

Doonalba U Wanaagsan,

 

Bahashii Iska Diidayee,

 

Dejiyeyaashi Sharcigu,

 

Daartii Ay Gelayeenba,

 

Duhur Werar Ku Qaaday,

 

Daaqadaha Uga Daataye,

 

Distoorkii Kala Tuuraye,

 

Dadna Meeshi Ku Laayeye,

 

Dariiqaa U Jeexay Traam,

 

Yaa U Diiday Farmaajo,

 

Daakhilku Dhigi Qaaroo,

 

Darna Wuu Ku Sadqayno,

 

Daniba Hawgu Dhawadee,

 

Denbina Maaha Xagiisoo,

 

Dimuqraadiyad Weeyee,

 

Nidaamkii U Danbeeyaye,

 

Doorkanu Keenay Traam,

 

Dood Haddii Ka Qabtaan,

 

Somalilaanta U Doonta,

 

Iyaba Way Dawkhsheeno,

 

Duruustay Ka Barteena,

 

Qabyalad Bay Ku Dareen,

 

Waase Dookh Afrikaane,

 

Doorashuun Ku Tilmaama.



 

Ismail Abdillahi Handuleh.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...