Sidaan Hawada Sare Ugu Heshiino Maan Dhulkana Ugu Heshiino?

0
Friday January 15, 2021 - 13:57:50 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1953
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidaan Hawada Sare Ugu Heshiino Maan Dhulkana Ugu Heshiino?

    Muddo badan oo sugid iyo dareen ah kadib, waxaana galney diyaaradda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddo badan oo sugid iyo dareen ah kadib, waxaana galney diyaaradda


Image may contain: 1 person


Maalin ayaa aniga oo safar ah waxaan garoon ka mid ah garoomada diyaaradaha Dalkeen ku muraney nin isaguna safar ahaa, aniga oo ka xumaadey sida uu ula dhaqmey gabar ka tirsaneyd shaqaalaha garoonka oo uu aflagaadeeyey. Ninkii markaan la hadley una sheegey in uu qaldan yahey, wuxuu igu soo qaadey dagaal, waxaana la iga celinayey muddo, isaga oo doonayey in uu ii gacan qaado, anigana dhib maba rabin oo waxaan ka daahsanaa imtixaan aan ku galayey dal kale, waxaana mar walba ku dadaalayey in uu buuqaasi halkaa ku damo.

Aniga oo aaminsan inaan dhibkii iyo buuqii ninka ka soo dhamaadey, isla markaana fadhiistey hoolka sugidda diyaaradda, ayaan arkay ninkii oo soo galaya hoolka aan fadhiyo, waxaana isla markiiba u qaatey in uu weli i raadinayo uuna doonayo dagaal. Ninkii oo buufsan (Xanaaqsan) ayaa fadhiistey kursi aan sidaa iiga fogeyn, waba isagii oo aan isku diyaarad raaceyno. Waxaan bilaawney aniga iyo ninkii inaan isha isku gubno (Is-hariifno), waxaana ii sawirantey inaanan maanta kala badbaadi doonin aniga iyo ninkaas. Waxaan bilaabey inaan nabad ka quusto, dagaalna isu diyaariyo, kana sii fakaro meelaha uu ka jilicsan yahey maadama uu iga weynaa, si aan gacanta hore isaga difaaco, koley waa nala kala qaban doonaaye.

Muddo badan oo sugid iyo dareen ah kadib, waxaana galney diyaaradda, waxaana kala fariisaney kuraas isu muuqata laakiin aan isku saf aheyn. Waxaa ii sawirantey ninkaan xoogga badan in uu i soo weerari doono marka diyaaraddu kacdo, kadibna kala qabashada iyo digdigta ay diyaaraddu khatar geli doonto.

"Kursiga si toosan ugu fadhiista, alaabta kor geliya, suuumanka xirta, haddii neefsiga dhib noqdo afka gashta caagga kor ka soo dhici doona, haddii diyaaraddu khatar gasho albaabada fakashada waa kuwaa, haddii ay dhacdo jaakadda badbaadada hoos ka baxso oo sidaas u labiso" ayey bilaawdey gabadhii diyaaradda, aniguse dhag jalaq uma siin, mana xiran suunka maxaa yeeley waaba kii xoogga badnaa oo xarig kugu hela! Waxaan bilaabey inaan isbaro ninka dhinaceyga fadhiyo oo ah dhinaca uu ka imaan doono weerarka aan sugayo!

Diyaaraddii ayaa kacdey, muddo ayey socotey, kadibna waxaa la damiyey calaamadda xirashada suunka, taas oo micnaheedu yahey in dhaqdhaqaaq la sameyn karo, welwelka ayaa soo batey oo waxaanba jeclaan lahaa inaan Suunka la furin, hadda ogoow aniga iima xirnee!

Col guulguulbuu kugu dilaaye, aniga oo nabadba ka quustey, qiyaasteyna inaanan is hureen aniga iyo ninkii odoga ahaa ayaan mar qura arkay isaga oo soo istaagey xaggeygana u soo dhaqaaqey! Fadhiga ayaan ka boodey, waxaana u diyaar garoobey dagaal, saa waaba kii oo soo qoslaya, nabadna muujinaya! Neefbaa iga soo go'dey! Waxaana isla markiiba badaley dareenkeyga colaadda sugayey, waxaana muujiyey nabad waana sugey.

Ninkii intaan ka soo sheekeeyey oo dhib iyo welwel ah i soo marsiiyey, maba ahanba! Inta xabadka i geliyey oo qosley kuye " Walaalow raali ahoow, waad iga saxneyd, aana iscafino hawada ayaan kujirnaa waxkastana ayaa dhici karee" maba la daahine waxaan la soo boodey "War walaalow intaan colaadda ku kala maqneyn danbi ayaaba noo socdey ee adiguna raali ahoow" nabadeey! macaaneey!

Soomaalida u fiirso marka ay diyaaradaha raacayaan, gaar ahaan marka ay kaceyso diyaaraddu, quraan aqriska, ducada, dareenka, is-cafiska, iyo degenaanta waxaad is leedahey war dadkaanu fiicnaan badanaa! Dhegtaatu maqli mayso wax xun! Marka diyaaraddu cagaha dhigato inta ay kujirto wadada, ayey bilaabayaan "Helo, helo, hadda ayaan soo dagey, diyaarad xunbaan soo raacey, mid xun ayaa wadey, ii waran? Reer hebel ma loo jawaabey? Reer qurac maanta maxay dhaheen? Beesha caalamka maxay sheegtey maanta? Maanta wax ma dhicin miyaa? Doorashadii dib ma loo dhigey? Yaa ogolaadey in hebel yimaado deegaanka? Naa maxay tiri? ..." yabqanka ayaa is qabsanaya diyaaradda! Maba ahanba dadkii ducada iyo quraan aqrinta kujirey!

Aniguse waan is maareeyey oo aniga oo ogaa Soomaalidu in ay la fal-galaan shayaadiinta dhulka, ayna suurtagal tahey in ninkii odaga ahaa uu is badalo marka diyaaraddu cagadhigato, colaadna soo celiyo, ayaanba kursiga ugu dhow fadhiistey, waxaana u saarey sheekooyin hilmaam siiyey dareenkii colaadda iyo carada! Waxaana kala qoraney teleefanada, waxaana kala tagney innaga oo isu sheegney in ay tahey inaan dib isu aragno! Aniguse wax dan ah kama laheyn taas, waxaana isla markiiba iska tirey teleefankiisa, dibna isuma arag.

Soomaaliyeey Allaha hawada sare jooga, dhulkana waa joogaa, awoodiisu meelwalba ayey joogtaa, bal isbarbardhig inta Soomaalida uga dhimatey hawada iyo inta uga dhimatey dhulka?

"Sidaan hawada sare ugu heshiino aan dhulka ugu heshiino"


waxaa qoray  Kofi Adam
Loading...
Loading...