Taliyaha Ciidanka Milatariya Soomaaliya Oo Booqday Furimaha Ciidanka

0
Friday January 15, 2021 - 08:55:35 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Milatariya Soomaaliya Oo Booqday Furimaha Ciidanka

    Waxaa farxad gaar ah inoo ah booqashada iyo u kuur-gelidda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa farxad gaar ah inoo ah booqashada iyo u kuur-gelidda




Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa booqday furimaha hore ee dalka iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga dalku ku leeyihiin gobolka Sh/hoose.

 

Gen. Odawaa oo la hadlay qaar ka mid ah ciidamada ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah cadowga, ilaa buu yiri laga ciribtirayo kooxdaasi.

 

"Waxaa farxad gaar ah inoo ah booqashada iyo u kuur-gelidda Xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada Furinta jooga, waana sii wadi doonnaa baacsiga cadowga” ayuu yiri taliyaha ciidanka Xoogga

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in wada shaqeyn fiican ay ka dhexeyso ciidamada xoogga iyo shacabka ku nool gobolka Shabeellada hoose, taasoo uu sheegay in loo baahan yahay xoojinteeda.




 

"Waxaan muddo asbuuc ah kormeer ku soo marnay Difaacyada Ciidanka ay ku suganyihiin ee Gobalka Shabeellaha Hoose, Sidoo kale waxaa wax lagu farxo ah Wada shaqeynta iyo kalsoonida ka dhaxeyso Ciidanka iyo Bulshada” ayuu yiri Taliyaha.



Loading...
Loading...