Wasiirka Tamarta Dowladda Soomaaliya Oo La Kulmay Danjiraha Turkiga

0
Friday January 15, 2021 - 08:40:18 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Tamarta Dowladda Soomaaliya Oo La Kulmay Danjiraha Turkiga

    Kulanka labada mas'uul ayaa ka dhacay xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka labada mas'uul ayaa ka dhacay xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho




Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Soomaaliya, mudane Xasab Cabdinuur Cabdi, ayaa danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz kala hadlay dardar gelinta heshiisyadii is afgarad ahaa oo ay horey u wada galeen wasaaradaha labada dowladood ee walaalaha ah.

 

Kulanka labada mas’uul ayaa ka dhacay xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho,iyadoo horay u jireen heshiisyo ku saabsan Biyaha iyo tamarta oo labada dal wada gaaree.

Labada Masuul ayaa isla meel dhigay sida wax looga qaban karo biyo yarida ka dhacda dalka xilliyada roobabku yaraadaan.

 

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha kulanka oo la yeeshay danjiraha Turkiga waxaa ku wehliyay agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed iyo qaar kamid ah howlwadeenada wasaaradda.


Loading...
Loading...