MAXAMUUD XAASHI, JAAMAC SHABEEL IYO ABYAN WAA SADDEX STATESMEN EE SOO MUUQDA

0
Thursday January 14, 2021 - 15:24:10 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAMUUD XAASHI, JAAMAC SHABEEL IYO ABYAN WAA SADDEX STATESMEN EE SOO MUUQDA

    Nasiib wanaag waxa siyaasiyiinta ka dhex muuqda saddex shamac oo aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nasiib wanaag waxa siyaasiyiinta ka dhex muuqda saddex shamac oo aad


Horusocodka waddan kasta siiaa Somaliland oo ay ku geedaaman yihiin daruufo gaar ahi waxay u baahan tahay hoggaan aragti fog leh oo ka koray waxyaalaha aan macanaha badan ku fadhiyan ee qabiilku kow ka yahay ee ummadan sano badan soo raagidayey.Siyaasaiyiinta hadda hogaanka ummadda u haya badankooda waxaad mooddaa inaanay weli u xuubsiiban heerka statemanka oo ah hogaamiye qaran oo go’aanadiisa ku saleeya danta guud.

 

 

 

Madaxeweynihii aynu doornay waan arkaynaa wuxuu ku meeraysanayo, hanti-urursi, iyo jibbo qabiil oo leeyahay magac reer baan kor u soo qaadayaa. Weli anigu ma garan magacan baas ee uu kor u qaadaya wuxuu ahaa. Agabar ayay ahayd meeshuu ka lhaa dhallinyardii askarta ku biirtay iasga reerkiis al hadalya ka sheegay in dhallinyaradeenii ciidamada ku biiray ee baritegay magaceenii kor bay u qaadeen, hadda ogow welina rag is helay ma jiree waa front la tagay wuxuu ka hadlayaaye. Ta werwerka lehi waa in warbixintan uu ka helayo taliayah ciidankii qaranka. Waxa kalood arakaysaa sida maamulkii isugu dhexyaacsan yahay ee wasiir kastaa beeshiisa iyo degaankiisa ugu shaqaynayo, xataa guddoomihii baanka dhexe ayaa hwashaa ku biiray. Cabdirxaman Cirro isaguna maaha nin dalkan oo dhib badan loo soo maray lagu aamino karo, Faysal inkastoo dal iyo dad jacayl badani ka muuqdo, runtana aanu cidna kala gabban, la wad oo la wad oo siyaasi noqon waa, afkiisan xakayn kari waa. Weligii isagau siyaadda ha ku jiro.

 

 

 

Nasiib wanaag waxa siyaasiyiinta ka dhex muuqda saddex shamac oo aad u ifaya oo leh astaamihii lagu yaqiin hogaamiye qaran. Jaamac Shabeel oo mar ka mid ahaa madaxdii sare ee Kulmiye, hadalaaiisa iyo fallooyinkiisaba waxaad si toosa uga dhandhansanaysaa faham iyo bisayl siyaasadeed iyo inuu yahay nin ka laga tago muuqaalkiisa, waaa nin la soo tijaabiyey waxqabadkiisa laguna aamino karo dalkan.Waxa isna beryahan dambe ku soo biirays saaxdda siyaadda Mr. Abyan oo ah guddomiye kuxigeenka xisbiga UCID oo ay ka muuqato aqoon rabbaani ah iyo mid maaddi ah oo qoto dheer. Waa nin dhallinyaro ah oo dal jacyal ku jiro. Saddexduba waa niman aftahamo ah oo haladkoodi s=miisaaman yahay muuq joogna leh.

 

 

 

Waxa loo baahan yahay in saddexdaa nin isha lagu hayo oo aad loola socda inta horraysa doorashada madaxweynaha ee soo socota lagana hawlgalo sidii ay isu soo sharrixi lahaayeen.

 

 

 

 

 

 

 

Abokor Baaruud


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...