Uganda oo ka bilaabatay doorashada Madaxtinimada & tan Baarlamaanka

0
Thursday January 14, 2021 - 15:18:32 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Uganda oo ka bilaabatay doorashada Madaxtinimada & tan Baarlamaanka

    Labada murashax oo tartanka adag dhex mari doono waa madaxweyne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada murashax oo tartanka adag dhex mari doono waa madaxweyne




Dalka Uganda maanta waxaa la bilaabatay doorashada madaxtinimada iyo tan baarlamaanka, goobaha codbixinta ayaa furmay saaka todobadii subaxnimo.

 

Ciidamo badan oo ka tirsan booliiska ayaa lagu daadiyay guud ahaan caasimadda Kampala, iyadoo waddooyinka waa weyn lagu arkayo gaadiidka gaashaaman.

 

11 oo uu ku jiro madaxweynaha talada haya ayaa u taagan xilka madaxweynaha, sidoo kale waxaa ku jira qof dumar ah.

Labada murashax oo tartanka adag dhex mari doono waa madaxweyne Yoweri Museveni oo 76 sano jir ah dalkana xukumayay muddo 35 sano ah, iyo fanaanka da’da yare e Bobi Wine oo 38 sano jir ah.

 

Robbert Kyagulanyi oo loo yaqaano Bobi Wine ayaa sheegay in uu matalayo da’yarta reer Uganda iyadoo Museveni oo sheegay in uu u taagan yahay xasiloonida dalka.

 

Xukuumadda ayaa amartay in la xiro baraha bulshada inta doorashada socoto, madaxweynaha waxaa uu sheegay in dhowr bog oo ay leeyihiin taageeriyaasha xisbigiisa sidoo kale hawada laga saaray.


Loading...
Loading...