Shirka golaha wasiirada oo la sheegay in la baajiyay.

0
Thursday January 14, 2021 - 14:58:21 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 845
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka golaha wasiirada oo la sheegay in la baajiyay.

    Todobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaa la horgeeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Todobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaa la horgeeyay




Shirka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Maanta la baajiyay, kaas oo ka duwanaa shirarkii caadiga ahee ee todobaadkii mar u qabsoomi jiray Golaha Wasiirada Soomaaliya.

 

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa qorushu ahaa in Maanta la horgeeyo 15 Safiir si ay u ansixiyeen, balse la baajiyay sababo aan la shaacin, kadib markii farriimo loo diray Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaa la horgeeyay 12 Safiir, hayeeshee ay diideen, kadib markii Wasiirada qaarkood ay sheegeen in Safiirada Cusub aysan waafaqsaneyn qaabka awood qeybsiga ee 4.5.

 

Magacaabida Safiiradan ayaa ku soo aaday, xilli lagu guda jiro waqti doorasho oo aan weli la isku fahmin, iyada oo la sheegay in sababaha xilligaan Magacaabista Safiirada ay tahay in la isaga yareeyo culeys siyaasadeed oo heysta dowladda Madaxweyne Farmaajo.

 


Loading...
Loading...