Xaalad Deg Deg Ah Oo La Galiyay Gobolka Sanaag
Hargaysa(HWN)Madaxwaynaha somaliland mudane muuse biixi cabdi ayaa xaaladda deg deg inuu galiyay sheegay deegaanadda Gar Adag,Ceel Afwayn Iyo Ceerigaabo Muddo Saddex Bilood ah.
Madaxwaynaha ayaa Amray In Xaalad amaan dartood ay ugu dhawaaqeen xaaladda deg dega ah waxaana uu sidoo kale Amar Ku Bixiyay In Ciidamadda Amaanku Ay Dhaqso Uga Hawl Galaan Deegaanadda Ay La Waregeen Amaankooda.
Deegaanadda ayaa Mudo saddex bilood ah waxa ka talin doona amarka ciidanka milatariga somaliland waxaana ay tani ka dambaysay markii shalay dablay hubaysani ay dil toogasho ku dileen laba sarkaal oo ka mid ah ciidamadda somaliland siiba Booliska Iyo Ciidanka Asluubta.
Afhayeenka Madaxtooyadda somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo maanta shirjaraa'id ku qabtay Xarunta Madaxtooyadda ayaa u sheegay saxaafadda waxaana uu cadeeyay in xukuumadda ay ka go'an tahay in ay soo qabtaan dablaydii shalay gaystay dilka.
Xeerkani oo loo gudbin doono Golaha Baarlamaanka waxa uu awood u siinayaa ciidamada qaranka inay masuul ka noqdaan amaanka deegaanadaasi.
Warkan Oo Faah-Faahsan La Soco Goor Dhow


0 





