Qudba Siro Maxey Tahay? Waxaa Qoray Abwaan Guure

0
Thursday January 14, 2021 - 10:52:53 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 2435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qudba Siro Maxey Tahay? Waxaa Qoray Abwaan Guure

    Qudba Siro Maxey Tahay? Waxaa Qoray Abwaan Guure

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qudba Siro Maxey Tahay? Waxaa Qoray Abwaan Guure



Qofkastoo damiirkiyo

Qaameyso Garashadu

Waxan qaas u heynoo

Dadka wada quseeyaa

Qiiradiisa kiciyoo

Dareenkiisa qumiyee

Hadba waxan quneynoo

Bulshadu qoonsaneynoo

Naftu qaadan karinbaa

Dhaayuhu qabtaanoo

Qandhadiisa kariyee

Qoowsaar illaalshiyo

Waa qareen difaacoo

Ummadda qiimaheediyo

Qiyamkooda dhowroo

Danta guud u qeybsane

Qatar soo wajahaniyo

Qorshaan lala arkeynbaa

Qodda laga tusaayoo

Hadba qamac ku shidayee

Maskaxduna qal-qaaliyo

Qilaawada ma deydoo

Feker aan qayoonbaa

Hurdadadii ka qaadoo

Qeylo aan la maqalbaa

Qalabigiisa ruxayoo

Laabtiisa qalayee

Xilaan saami qeybsiyo

Qoondda lagu saleynoo

Qarash lagu heleynbaa

Kasmadiisu qaaddoo

Qiyaar malaha ruuxii

Garashadu qasbeydee

Dheeraadku waa qaan

Waana waajib qaasoo

Qiyaamaha la weydiin

Qofkii eebbe siiyee

Ummad dulun qaraariyo

Qallooc daawaneysoon

Qaar ka diira laga helin

Qotonkey ka dhacdaaye

Qalad aad u jeedoo

Awood aad ku qabatiyo

Quwad aadan u laheyn

Qabkuu kaa jebiyaaye

Waxse igu qunfulanoo

Markey talo iqabataba

Isku qiira geliyaa

Afkaagaa qumbulad iyo

Hubka qaar ka daranoo

Quluubtood ka xiratiyo

Qamandhuursi dhaamee

Adigoo qayiri kara

Qeyladuba dan weeyee

Ha ka quusan weligaa

Qandha haysa dadkaaga.

Maantana qaraabooy

Waxan soo qadimayaa

Qodax nagu ragaadiyo

Qatar naga dahsoonoo

Qabarkeedu shaacine

Qadka ay ku socotiyo

Qasdigeeda maansada

Haddaan toos u qaabilo

Qisadiyo ujeeddada

Ciwaankeedu ku qotomo

Qudba siro maxay tahay?

Halis naga qarsooniyo

Waa su’aal ka qira weyn

Inta lagu qiyaasee

Xinjir qalin guduudana

Kula qora far waaweyn

Qaraar iyo macaaniyo

Faa’iidiyo qasaariyo

Sharya kheyr midkey tahay

Bulshadaa qireysoo

Kala qeexi doontee

Horta aan qandiga furo

Inkastooy qurxooneyd

Qabiir aragti dheeriyo

Ineey culumo qeexdoo

Saxaafaddu qof iga roon

Qisadaan ka weriyaan

Haddana quusa maayee

Qofya qoys ilaa qaran

Qeyladhaanta gaartoon

Dadka kale la qabinoo

Soomaalida u qaaskaa

Afka ka qabsanmaayoo

Indhaha kama qarsanayee

Anaa hoos u qodayoo

Dhabta soo qufaayoo

Qurub qurub u dhigayee

Qadar gaaban maqalkiyo

Qudka dhegaha ii fura

Wixii aan qaldana saxa

Oo yaan la ii qaban

Qaadir heyga dheefee

Qasad ulama jeedee

Qabyo tira ujeedada.

Qudba siradu guur iyo

Meher qaabsan maahoo

Qaban qaabo guri iyo

Qabiltu daacada maaha

Qoys inaad dhistaaniyo

Aroos loo qasdaayiyo

Reer qalqaaladi maahan

Qorma lagu negaadiyo

Gacal raas u qumayoo

Farxad qeybsada maaha

Qataw iyo qaniin mara

Hamuun kaama qaadee

Qadoo quudo gar maaha

Adigoo hiloow qaba

Jeer qura dhedhemi iyo

Qatinkiyo qamuunyadu

Qaajo kaama gooysee

Qarsin qalloocu dan maaha

Quus reja ka dhowriyo

Qabyo libin ha moodine

Qaraw maahan soojeed

Been lagu qaraabtiyo

Waa dhagar qarsoonoo

Gabdhaha lagu qiyaamee

Qorshe dhaqan gelaayiyo

Qosol waaraya maaha

Quraafaad gaboobiyo

Waa caado quruntee

Guur maaha qudba siro.

Marwo qoys dhaqeysiyo

Hooyo qiimaleh maaha

Qoran waalidkii dhalay

Kheyrkeed ku darayoo

Doco qaadatay maaha

Qalanjo madax banaaniyo

Garoob qaayaleh maaha

Haddana xaas la qaba oo

Masruuf qaadata maaha

Ruux la soo qafaashoo

Qasab lagu muquunshoo

Qiyaar weydana maaha

Qaxooti soo dagaagiyo

Heerin soo qaxay maaha

Waa Qofaan la garaneyn

Xaalad lugu qiyaasiyo

Qeyb lagu xisaabshoo

Qarash looma diyaarsho

Saami loo qorsheeyiyo

Qoondda loo diyaarshiyo

Xaquuq looma quuroo

Marashi qeyd lama siiyo

Anfacada la quutiyo

Qaxwa laguma sheegtoo

Lama qaado xilkeeda

Ehel iyo qaraabana

Qabaar kama hayaanoo

Qaaddo iyo fandhaal iyo

Qudde lama saluugee

Qaaraan uma aruurshaan

Waxan kula quneynbaa

Dadka qaar la toosane

Qasadkiyo ujeeddada

Qotonkeedu wuxu yahay

Qoyskaad ka dhalatiyo

Qaraabada la nooloow

Ama qararaf suuqoo

Quutul yoomka raadsee

Qofna yeysan ku ogaan

Waa talo qaraar iyo

Qallooc lagu heshiiyoo

Gabadhii ku qanacdaa

Qoomamo ka dhaxashee

Intaan soo qandoodiyo

Ma qajila laguu bixin

Ama qurux bilaash iyo

Isma qabato lugu dhihin

Qudba siro ha bidin guur.

Qalad waaya joogiyo

Qarniyaal wax soo jiray

Bulshadu kama qalootoo

Qaarbaa sax moodee

Inkastooy qiyaaniyo

Been qaawan tahayoo

Magaceedu kuu qiray

Haddaan qaalli huurshiyo

Qandi weyne laga werin

Qiil looma helayee

Qudbo iyo sir waa labo

Abid aan is qabaneyn

Mahmaah qaaliyaa tiri

Xalaal lama qabeeyee

Barqadaa la qashaaye

Wax la qariyo waa qurun

Iyo qaan la soo xaday

Mid kalaa qirtoo tiri

Wax la qariyo khayr maleh

Berri waxan qarsoomeyn

Lama qariyo maantee

Waxii aad qarsataana

Adigeey ku qarshaane

Gabar maher qarsooniyo

Guur lagu qarsadayoo

Gasha howl qarsoodiya

Waxii ay qar qaridaba

ma qasoomi doontee

Waxey qariska eedaa

Calool aan qarsoomeyn

Markay damacdo qariyoo

Qarsan waa ku noqotee

Qarsadihii ku qariyee

Qarsoodida ku maalee

Qarsiga kula heshiiyana

Qarsigaad wadaagteen

Hadduu dhaar ku qariyee

Ka qarsoomo wacadkii

Talo kaa qarsoontaye

Qarsatooy maxaad qaban?

Qamarjigi ku dagayoo

Malabkaaga quutood

Qunbahaaga ku soortay

Hadduu qirasha diidoo

Hadalaan ku qabaniyo

Qadaf kuugu sii daro

Malaha waa qafiiftoo

Qof kalaad I moodaye

Iga qileey walaaleey

Qaanta hey dulsaarine

Qunyar kuugu jawaabo

Qareen kaa daaficiyo

Qaalligii ku mahershiyo

Marqaatiyo qiraayiyo

Qoraal sugan ma heysaa?

Qatar loo bareeriyo

Waa halis ka qira weyn

Inta lagu qiyaasee

Intaan lagu qatalinoo

Kugu maadsan kheyrkaa

Qudba siro ha badin guur.

Qaa'in hadal macaanoo

Qosol sheeko iyo maad

Hadba tii ku quseyda

Inta soo qalin daarto

Sida inuu qabiir yahay

Marba qaanad kuu fura

Qisooyinka jaceylkana

Kolba qaaddo kuu daro

Sida qeysya leyliyo

Boodhariya qabaruug

Sidaa maysu qabnaa iyo

Ma qasanaadi kaariye

Ceebla kaaga qisoodo

Marna hees qaraamiyo

Qaacigii sabaankiyo

Kuu saaro qalam jalam

Marna sidii qaruunbow

An waa ku qashiraa iyo

Kuu qaado goomaar

Sida maana qaacoow

Iyo qaasin malleele

Marna qoob ciyaariyo

Qablan jaamka maantiyo

Ku qanaado dhiin dhiin

Marna qaali sharafiyo

Kheyrkeed ka roon iyo

Qalanjo kuugu yeeree

Ammaan aad u qalantiyo

Qurux kuu hibeeyee

Qalbi lula inaad tahay

laabtaada ku qanciyo

Qaabilaad fur furaniyo

Qosolka iyo sheekada

Waa qool dahsoonoo

Hablaha lagu qalqaalshee

Markii aad u quushuucdo

Misna qabar jaceyl iyo

Soo qadimo dantiisoo

Qacdii aan is aragnaa

Qudheydii ku raacdaye

Miyaan dhuuni quutaa

Subaxdii quraacdaa

Dharaartii qadeeyaa

Qaxwadaan kaboodiyo

Biyahaan qurquriyaba

Qarastii kal gacalkiyo

Qaska igu siyaadshoo

Hurdana waa ka quustoo

Adaan kugu qarwaayoo

Ma quuriyo habeenkii

Qod markaan u seexdaba

Qajafaan la aragbaa

Hadba iga qal qalidoo

Qanaas iyo waswaasiyo

Qiiq iyo dabeylbaa

Hummaag ii qandoodoo

Waxaan qaali moodaa

Qaaroodka gurigiyo

Deyrka is qotomiyoo

Qooraansiga ma daayee

Adaan kugu qafiifaye

Gacalooy wax ila qabo

Booraan qamaamudan

Haddii lagu qalqaaliyo

Doqonbaan qaloonine

Jaceyl aan quda laheyn

Haddii qaa'in geesa leh

Qalbigaaga ku hantiyo

Adigoo qabar-daaroo

Qiiradiisa ku saaqday

Haddii aad u qushuucdoo

Durba laabta ku qaado

Bahal kuu hamuun qaba

Adaa qoonsan doonee

Waxkastoo qallooc iyo

Wadda qalada loo maro

Khayr kama yimaadee

Qaan-gaar ayaan ahay

Qofkii aan jeclaadiyo

Aayahayga qaaskaa

Anigaa qiyaar u leh

Qaali Hooyaday iyo

Ma quseydo Aabboo

Taladuna ma qeybsana

Gabadhii ku qanacdee

Qumanaheedu hogaansho

Qoomamay dhaxashaaye

Midkaad qaaddaney tiri

Adaa maanka qaadoo

Jaceyl qaadi karayoo

Waajibkeyga qaadaye

Nolosheyda qaadoo

Ballan baan ku qaadaye

Nin kale qaadi maayee

Sidaad doonto ii qaad

Markaad wada quntaanoo

Qaliifaan xog kaa heyn

Qarashkiisa duubtee

Qudba jaban ku soo xiro

Adaa qoorta dhiibtoo

Bahal kuu hamuun qaba

U qadimay naftaadee

Haddii qaalmo rogad iyo

Lagdan leysku qaabilo

Inta ku qal maroojiyo

Xusul kugu qanjiirshee

Qonof iyo sindabyiyo

Dibir kugu qarracanshoo

Qool sagaaryo kula dhigo

Markii aad qallibantana

Subaggii qotomay iyo

Qunbihii u dhaadhoco

Shilistana qur-quriyee

Qowlalada ka buuxsado

Qandhadii gubeysiyo

Markey deysay qaajadu

Hadduu kugu qaraaree

Qoonsi iyo san taagiyo

Qash-qashaad billaabee

Kolba qod isu buusiyo

Af qalaad isla tooxo

Adigoo qar qarayoo

Qadaf aadan filaneyn

Ku qarrariyay laabtoo

Qowlna aan kusoo celin

Inta eegma quursiya

Indhaha kugu qanjiirshoo

Qasad kaaga dhaqaaqo

Hebad aan qaloon iyo

Haddaad noqoto qooflaay

Qaa'in waad u dagantee

Rati qooq dirqinayaa

Qaalintuu ka daneysto

Durba waa ka qumaaye

Qabaluuska dhergaana

Qaaya owr ma dhaamee

Mas qaniinyo kula helay

Mariidkiina kugu qubay

Inuu sii qul-qulayaa

Wax qariiba maahane

Markuu haanta qabadaa

Dhuunkaal qarjebisiyo

Suntii aad la qooshtiyo

Qadiid kaaga buuxiyay

Hadduu qadaf bereeroo

Qalbigaaga dhaawaca

Qalaf kugu sagootiyo

Maxey qamandhiciyo ciil

Ilmadu kaala qubataa

Adaa qar iska tuuroo

Isu dhiibay qamarjiye

Midaan gacalo kuu qabin

Marki aad qallibantoo

Lugaha qaadi weydoo

Gasho qaaba qowseyn

Qaxarka iyo murgada

Kula qeybsa maayee

Waxey talo ku qabataa

Sorta kugu qamaamudan

Markii ay qayaxantoo

Xammilkii shin qeydoo

Xantaa dumar qaadee

Qudaarta kuu bislaatiyo

Qarahaad ku rarantahay

Qoyskaad ka dhalatiyo

Qaraabadu ogaatee

Qeyliyo habaar iyo

Hadal boogta qoomoo

Dhaawacaaga sii qoda

Inta kugu qarracanshaan

Qofba jeer ku su’aalo

Qaanta aad la maluugto

Yaa qoorta kuu suray

Qumaya ha ruugtee

Qaabkee laguu helay

Yaa ku qaal darreeyoo

Qobka mooska kuu dhigay

Qunbaha yaa abuurtoo

Qadiga kugu talaaloo

Kuu xanbaarshay quulaha

Yaa ku qaayo tirayoo

Isma qabato kaa dhigay

Ma qaadicu-dariiqyaa

Qoryo kugu handadayoo

Cidlo kugu qabsadayoo

Ku qafaashay hoogtooy

Mise doob qawaariyo

Qowsaar geel la joogaa

Khasab kugu muquuniyay

Ma mooryaan qarriban iyo

Dibjir koola quutoo

Daroogada qur-quriyaa

Qooldaamis kugu helay

Ma qabiir duqoobiyo

Oday maal-qabeenaa

Lacag kugu qasirayoo

Qarash kugu wareeriyay

Ma qurba-joog bidaarliyo

Diyaasbaro ku qaladdaa

Qiyaar kugu barkadayoo

Balo madax qurdubanaa

Xaaskiisa kugu qoray

Yaa qalabka kaa dhigay

Qushigaana kugu yiri

Dooraduba qoorqabad

biyo kuma qur-quridee

Yaa kuu qatalay saan

Inkastoon wax kuu qoran

Qaran kaa difaacdiyo

Quwad celi kartaa jirin

Yaa qaladka sababoo

Qisadaan masuul ka ah

Adigoon wax naga qarin

Falkan yaa kula qooshay

Qoladaan ku legeddoo

Ku qataartay yey tahay

Hayeeshee ku qabatiyo

Qaddar diidi meynee

Bal qof aan la xididnoo

Qaan-gaara noo keen

Adigoo qal-qalayoo

Dadku kugu qir-qirayaan

Qamarjiga ku dagayoo

Sunta kugu qamiirshee

Qaadacay waxuu falay

Qaantu kama hareysee

Aan kuu qas qaasnee

Qabaluuska noo sheeg

Qaalligii ku mehershiyo

Marag kuu qiraayiyo

Qoraal Sugan ma haysaa

Adigoo qil-qiil iyo

Galay qaaba qowseyn

Qaajadiyo harraadkana

Afku kula qallalayoo

Naftu qaatir kugu tahay

Qiddad lagu badbaadiyo

Qowl lagaa rumeystiyo

Jawaab lugu qancana hayn

Qaraabadi daraaddaa

Isu qayla-dhaansaday

Markey hadal ka quusteen

Haddii qaar ku taliyaan

Qofkan waa la marayoo

Qacda dhaqanta weeyee

Saaxirkii qataartiyo

Jinka ay ku qafiiftay

Ha la quuso badweyne

Waqti yey naga qaadin

Qaarna ay yiraahdaan

Qarka webi shabeelliyo

Yaxaas jubba ka qaataa

Berri ha ku qadeeyoo

Libaax sheed ka qoortiyo

Dhidir qaday ha ruugee

Qabrigeena yey iman

Qaar kale ku doodaan

Guudahaan qabiilkiyo

Jufadeenna qaaskaa

Sharaftey ka qaadaye

Jiirtii qabnood iyo

Qawyihii hagoogane

Wade qayru masuuloo

Gaari qaad lalminayiyo

Darawal qaadiraysani

Afarta qoob ha mariyee

Qola yey nala sheegan

Qaarna uu ku soo xiro

Qubanihiyo doodaba

Dhaaw loo qidmeeyiyo

Habaar waa qaddimatee

Ha ku quusto faceede

Qiiq iyo dabeyl iyo

Qumayaan dib loo arag

Qanje baxay ha noqotee

Aamiinta ku qatima

Walaal qiira haysiyo

Waalid laabtu qaraxdoo

Qaniinyada sokeeyuhu

Qalbigooda huridoo

Waxna aan ka qaba karin

Adigoo hor qoofalan

Markey kugu qarqooreen

Inkaartii qaaraabadu

Ayagoo qablamaayao

Sii qubaaya warkaaga

Qaarba meel u dhaqaaqo

Quraan laguma saarine

Ku qasaar aduunkoo

Qiyaamaha ku eedoow

Lama qaadi karayee

Qofaan dhimanna nooleyn

Intaan qaafil kaa dhigin

Qandigaaga ka adkoow

Qamarkiyo xidiguhuba

Waxeey nuur qaxshaanoo

Qaaradaha iftiinshaan

Intaan waagu qeydine

Intaan soo qandooddiyo

Isma qabato lagu dhihin

Amaan qoton bilaash iyo

Quruxdeeda ku qadiyo

Ma qajila laguu bixin

Amaan lagu qatalinoo

Qosol bila lagaa dhigan

Khayrkeed ku maadsado

Waxaan kuu qadimayaa

Qodob lagu badbaadiyo

Talaan lagu qasaarine

Qabyo tiro ma noqotee

Qudba siro ha bidin guur.

Qaliifkii arlada iyo

Raggu waa qawaamuun

Qoyska maamulkiisiyo

Xilka dumarka qaadee

Qaas waxaan u leeyahay

Qabo kuma qadeyside

Markii ay qunbacatana

Qudheydaa ku diiddaye

Qulqul waan ku daayee

Waa qallooc illaaheey

Qiyaamaha na weydiin

Dumarkana ma qabatee

Hablaheennu waa qaal

Asluub lagu qaddariyoo

Heybad lagu quweyee

Taan qayirin jirkeedoo

Maqaarkeeda qoonsane

Maarriin qardhaaskii

Qaansa roob la moodiyo

Labeentii ka qubanoon

Ka qubeysan midabkii

Qurratul- ceyni weeyoo

Qurux laguma gaaree

Ragow dahabka qeeriin

Xumaan looma quuree

Qudba siro ha badinina

Haddaan qalbi fiyoobiyo

Farxad leysu qabinoo

Qosol lagu wadaageyn

Qiimo malaha noloshuye

Midda aad qareysiyo

Marwadaad ka qarisaa

Iney kala qarsoomaan

Waa tala qarsoontee

Waxaan berri qarsoomeyn

Lama qariyo maantoo

Qabri iyo qof loo wado

Kala qari xal maahane

Inkastooy qaraartahay

Runta lagama quustee

Haddii aadan qira karin

Intaan qeylo deriskiyo

Qaraabadu ku soo bixin

Qoyskaaga ku ekaaw

Qaan-gaar damiir lihi

Dheg xumada ma qaatee

Qudba siro ha bidin guur.

Maskaxdii qallibantee

Garashadu qafiiftee

Caqligii ka qarraabo

Ceebta kama qajootoo

Kama qoofto xumahee

Qalalaase iyo muran

Qoon lagu sallidaybaa

Qasaarada ku shoobee

Middaa qabo middaan qumi

Midna sii qadaan qadi

Taana quus dareensii

Midna yey qabaar iyo

Sed la quuto kaa helin

Markey qeylo keentana

Seddaxdeeda qabadsii

Midna meher qabyaa iyo

Qudbo jaban ku soo xiro

Markii ay qayaxantana

Qushigeeda weeyee

Kuma qabo la soo bood

Dulmigaa qaraar iyo

Gefka qirada weynoo

Qaa'imiintu falayaan

Haddii aan wax laga qaban

Raggu qaaya beelyoo

Dumarkiina quus noqoy

Caqli qoora galaybaan

Orgi qooqan dhaamine

Ragoow qoorya xeradiin

Mar inaan ku qamaamno

Marna aan ku qamaarno

Hablaha nagama qabatee

Qaadirkiin ka yaaboo

Qudba siro ha badinina.

Qismi Rabbi jideeyoo

Qur'aankeenu caddeeyay

Tastuur aadmi qoray iyo

Qaramada midoobiyo

Qaraarrada ka soo baxa

Kaama qaadi karaane

Qaxar waxuu ka joogaa

Waxaan diintu qabinoo

Qiyaas laga tixraaciyo

Qiil loo helayn baa

Qaarkeen baneystaye

Qorshe laga fekeraybaa

Qorma lagu degaayoo

Raasumaal qotomiyee

Markaad talo qiyaastoo

Qaban qaabadaadiyo

Qiimeeyso taagtaa

Howshana qaddarisoo

Qoondeeyso xaajada

Adigaa qiyaar u leh

Intaad qaadaneysee

Adigoon qal qalinoo

Deel-qaafin dhaqankoon

Qeynuunka gees marin

Qaab wacan ku guursoo

Qodba siro ha bidin guur

Inta qod isu buustana

Ha imaan qiiyaamaha

Adoo dhan u qalloocane

Intaad qaaday xilkooda

Wax ugu qaybi caddaalad

Geed qadoodi dheeroo

Qoomaalka guudkiyo

Qubaalkiisu weyn yahay

Qotonkiisa hoosana

Qutaal adag laheynoo

Qudda culus ku taagneyn

Guntiisuna qunbacatoo

Qobor bahal galeeniyo

Buul quraanyo ku yaalo

Xididdadana qaarkood

Gundhaw ciidda quusiyo

Dhulka qarir ku galayoo

Salka qaar ka soo ruqay

Barna Jiridda soo qoday

Qadawgina ka daatoo

Guudka mira qonbobiyo

Ubaxii qandharayoo

Caleentii ka qubatiyo

Qolfihii ka soo dhacay

Qashinkoodu hoos yaal

Laamihii qandoodiyo

Baarkii qalallayoo

Dusha quuta-quutiyo

Tuke qaaqle mooyee

Ka qaxeen shinbirihii

Dabeyshuna qal-qalidoo

Quwaddii ka maratoo

Qod u ciiray gebigiis

Kolley hoos qaboobiyo

Qobbe laga dugaalsado

Ama mira la quutiyo

Qurux lagu ildoogsado

Qofna kama sugaayee

Waxan qaayo dheereyn

Ummaddii qayirantoo

Qiyamkeeda dhowrine

Dhismihiisa qoyskii

Qallooc lagu billaabana

Qilaaf kama dhamaadoo

Qosol kuma negaadee

Waa halis ka qira weyn

Inta lagu qiyaasee

Guur maahan qudbo siro.

Midaan qulub qanaadiyo

Qataw gaaban rabinoo

Qasadkiisu reer yahay

Qadka kama tallaaboo

Qoollis uma hawoodee

Adoo qowl macruufiyo

Qaabilaad ku heli kara

Qaxar laguma raadiyo

Qofki aad gaclootee

Waalid aan ku qadinoo

Diidma kuu qayixinoo

Codsigaaga qaadicin

Erga kaa war-qaadoo

Qabar kaaga geysana

Quus kaaga soo celin

Xujaad qaadi weydiyo

Shuruud aan ku qabaniyo

Qodob kugu adkaadiyo

Qowl xun kaaga imanoo

Qarash aan ku weydiin

Makrigiyo qabyaaladda

Qashin lagu salidayoo

Caabuda qabiilkaa

Soomaalida ku qeybshoo

Dadka qaar faquuqee

Qolo-qolo ku faankiyo

Qabka jaahilnimadiyo

Cidaan heybta qiimeyn

Qalanjaad ka doontana

Uma qalatid kugu oran

Dulmi looma quuree

Adoo qaab habbooniyo

Qalbi sami ku heli kara

Gacal kuu hamuun qaba

Habeen lama qafaalee

Qaaroodka gurigiyo

Qormadeey ku nooleyd

Gabadhaad ka qumisee

Qallooc iyo masaafiyo

Safar aan sharcigu qabin

Cidla kula qajaafido

Subaxdii qaboonada

Markii waagu qeydee

Qundhacadu la simantahay

Qiyaastii nin joogiis

Dhulkana toos u qabatoo

Qubbadii dhaceysiyo

Xalay dharabki qooyiyo

Dheelkii ka qaadoo

Dhaxantii qandiiriday

Dhirtana dooggu qariyoo

Balanbaalis qalima leh

Qaalmo rogato oogada

Qal-qalyada xareedana

Rahu qowdhamaayoo

Shinbirihu qasiidada

Hadba luuq ku qaadeen

Cirkana sagal qandoodiyo

Qaansaroob ku ligantoo

Qotonsaday daruuraha

Hawaduna qasirantoo

Saxan saxo qaboobiyo

Neecaaw qayaadloo

Nafta qoomin leedahay

Cimilada qurxoon iyo

Caraan qoof laheynoo

Ugaartuba qalooneyn

Adinkoo hiloow qaba

Haddaad qaas ku noqotiin

Halisteeda qiimee

Waa safar qaraariyo

Qalad loo bareeroo

Quluc loo biyeystaye

Qilaawada ibliiskiyo

Qabar-jaanka mooyee

Wixii eebbe qaadacay

Qowl lagu xalaashado

Qofna sooma helayee

Qaan booli wadatiyo

Qobtol kebed la rooriyo

Falan qamarji soo xaday

Qaaddi reer ka biishaa

Durba isku qataaroo

Qabyo ugu dhameeyee

Guur maaha qudba siro.

Qofaan weli fasaxa iyo

Wakiil qaasa loo heyn

Qabiltu kuma xirmeysee

Tiin qoladi beertana

Qamadi iyo haruur iyo

Qudaar uma baxeysoo

Reer qadaf sokeeyiyo

Naxli lagu qotomiyana

Lagu kheyri maayee

Qudba siro ha bidin guur.

Adduunyada qaxootiyo

Qaabdarro ku nooloow

Aakhirana qasaaroo

Qiyaamaha ku eedoow

Ummaddii ku qanacdaa

Qaxar kama baxeysee

ku qad labada daarood

Qoom doorta mooyee

Qal-qigiisa weynuhu

Silac kuma qas-qaasee

Qun haddaad u baartaan

Masiibada qafilanoo

Dunidu aysan qabinoo

Soomaalida u qaaskaa

Waxa qoorta noo suray

Waxa duul qaribanoo

Qaayaha dhulkoodiyo

Qabka iyo kaaramada

Qada siista naga dhigay

Waxa ummad la quudshoo

Waxba aan qabseynoo

Qaaraan shisheeyiyo

Qurus loo yaboohshiyo

Cad quureed sugeysoo

Ceyr qaata naga dhigay

Waxa qaraw ku nooliyo

Bulsho hadal qulqulidoo

Arrin aan quseyn iyo

Qaarad kale danteediyo

Qiyaaliga ku murantoo

Marna qeyb ka doodoo

Wada qaaqle naga dhigay

Qorraxdii u dhalataba

Sagaar biyo ma quutiyo

Dawacaa qurqurisiyo

Ma qubeysto daanyeer

Ummad isku qilaaftoo

Qisaan mudac ka daabneyn

Isku qoonta naga dhigay

Waxa qar iska tuuriyo

Qoon wada maraaniyo

Qacda dhaqanta naga dhigay

Waxa qaafil moog iyo

Mid qatalaya naga dhigay

Waxa qoys ilaa qaran

Qoobka iyo madaxiyo

Qoorta isu geliyoo

Isma qabato naga dhigay

Quraafaad gaboobiyo

Waa caado quruntaye

Haddaad igu qanceysiin

Boob iyo qiyaaniyo

Qubxi iyo masaafiyo

Qudba siro ma dhaafsana

Haddii dabin la qooliyo

Booraan laguu qodo

Qoorta looma dhiibtee

Qonof laysku dagayiyo

Haddaad qoollis diidana

Qaa'in libin ma helayoo

Qosol kuma ledaayee

Qilaawada ibliiskiyo

Qubxigey ka weriyaan

Qaadumiinta sheydaan

Mar haddaan qayaxayoo

Qadaadkii ka furayoo

Naxligooda qaawiyay

Qoloftina ka feydoo

Ka xayuubshay qeydkii

Beentiina qubayoo

Qashinkey sideen iyo

Qurunkii ka daadshoo

Qabaluusyadii weday

Ku qarxiyay sirtoodii

Waxa qoob ilaa madax

Qeylada ka waada simay

Guryahana qaraabiyay

Qudbo siro iney tahay

Haddaan qeexayoo sugay

Cidna lama qatalayee

Haddii qaan islaameed

Qafaal lagu xalaashado

Qabyo lama saluugeen

Qol madoow nikaaxiis

Haddii leysku qabi karo

Sharci lama qadariyeen

Runta lagama quustee

Marqaati iyo qiraal iyo

Qaalli looma baahdeen

Ninba qumanihiisaa

Qoorta loogu duubaye

Gar haddaan la qaadeyn

Qofna eed ma yeesheen

Danbina lagama qoofeen

Aadmiga qardoofiyo

Qadaf kama dhamaadee

Xuduud loo qarqooriyo

Haddaan xeer qabbira jirin

Daalin lama qasqaaseen

Qawaajigu ma waayeen

Qumman alla taqaanoo

Qaabsan looma diideen

Dadbaa hilibka qaansiir

Casho iyo quraaciyo

Qado wacan u heystee

Haddaan eebbe qaaddicin

Sow eey ma qalaneen

Waxaan diintu qabinoo

Diiwaanka qarankiyo

Qaamuuska laga helin

Qiil lagu baneystiyo

Qeynuun lugu difaaciyo

Qareen looma helayee

Haddaan qurun ku hoos jirin

Qudbo lama sireysteen

Qaadirkeen ma dooriyo

Qoomkaan is doorine

Qasadkeenu yow noqon

Quus lagu hungoobee

Qudbo siro waxey tahay

Cidna kama qarsoonee

Bolshoy talo ka qaadoo

Qasab ama qiyaar sii

Haddaan qaanadaas xiro

Qisa kale waxey tahay

Haddii raggu qunaadoo

Qoyska maamulkiisiyo

Waajibkooda qaataan

Haweenkey qabaanoo

Dharka lagu qiyaasaa

Khalqi ugu sokeeyee

Haddii ay qadariyaan

Haddey ereyo qoomiyo

Qeyladiyo canaantiyo

Ishoo lagu qanjiirshiyo

Gacan qaad ka dhowraan

Aadmiga qardoofiyo

Khilaaf lagama waayoo

Ilkaa carab qaniinee

Haddey qowlya ficilkii

Qalbigooda dhaawaca

Saamaxaad ka qaataan

Inkastuu qaraaryahay

Waa qaali samirkuye

Haddey sibirka quutaan

Qaniicada lamaanuhu

Waa quwad Kalsoonida

Qira weyn u yeeshoo

Qaayaha jaceylkiyo

Ku baraaro qoyskuye

Qudur aan wax bixinoo

Qamuunyada ku eegtiyo

Qadduuc looma aayee

Quud iyo qatooyaba

Waa qof kula wadaagtee

Haddey hadiyad qaasoo

Ka farxida u quuraan

Haddey qiira geliyaan

Naxariis qushuucliyo

Qaabilaad kalgacalnimo

Kasha ugu qabtaanoo

Qeyma iyo wanaagiyo

Ammaan ay u qalantiyo

Qaali sharaf ku sooraan

Waa qismi illaaheey

Qeyd nooga dhigayoo

Qolkii ay ka maqan tahay

Raxmad lagu qaboobiyo

Qandac lagama helayoo

Qanac laguma seexdee

Haddey qosolka sheekada

Samaan ugu qiraanoo

Qaabsaney la'aantaa

Kheyrkey ma gaareen

Laabta ugu qaboojaan

Ayagoon ka qarineyn

Xumaan horana soo qodin

Hadalkana qarraareyn

Haddey qawl nasteexale

Qunyar talo ku siiyaan

Qaladkiyo dhaliilshana

Qaab degan tusaaliyo

Qiyaas ugu tilmaamaan

Xilka qaadir saariyo

Qabrigiyo su'aashiyo

Qiyaamana xasuusshaan

Waano lagama quustee

Kheyrka u dardaarmaan

Qab-qabtana yareeyaan

Qaaliqaan ku dheertee

Qoys kama xumaadeen

Inkastooy qaraartahay

Runta lagama quustee

Haddii aabbe qamaaro

Ma qunaato hooyadu

Caruurtana qawaafiyo

Qaatil deriska boobiyo

Qallaf aan wax maqal iyo

Caasi laga qaxey noqon

Ummaddana qilaafiyo

Qowsaar shisheeyiyo

Qaa'in lagama waayoo

Qaran uma hagaagee

Ku qasaar adduunkoo

Qiyaamaha ku eedoow

Wax la qaato maahane

Ragow qoorya xeradiin

Qofya qoys ilaa qaran

Qabyo iyo sir iyo been

Ha ku wada qarribinina

Qodobkaas haddaan xiro

Qisa kale waxey tahay

Maseyrkaa ka qaaliba

Qaniicada haweenkoo

Qaali caawa soo beri

Kuma qalbi samaatee

Qaangaarka dumarkiyo

Quman suuban kii hela

Qaniimada adduunkaa

Qeyb weyn la siiyoo

Qooraansi badan iyo

Qamaam kuma habboonee

Marwo kuu qushuucdoo

Rabbigeed ka qooftaa

Ugu qaalsan dumarkee

Nololsha qaayahediyo

Qurux lagu ildoogsado

Waa jir kuu qarsoonoo

Qofna kula wadaagine

Ma qajila is moog iyo

Qureysh lagula daawado

Ishu kuma qabowdee

Quluc kuu asturanbaa

Qalanjada maluuntiyo

Qoton dheer ka fiicane

Milicsiga qashiinkiyo

Mid qish laga xijaaboo

Huga lugu qamaamuday

Sheydaan qalluudiyo

Qumayadu ma aragtoo

Ma qayiranto weligeed

Waana qeyb nasiibkuye

Midkii qaas u yeeshee

Qardhaastii daboolneyd

Dedka looga qaadaye

Loo qeyday kaligiis

Jacayl kama qayoodee

Qanciya kuu adeegtoo

Qol-qol kula wadaatoo

Qowlkaad tiraahdana

Mid qilaafsan soo celin

Ninkii calaf u qorayow

Qabya li'i ku maamulo

Qaadirkana u mahad celi

Iimaanku waa qani

Qolof laga sarriibana

Qaajadu ma deeysee

Qof-san kii la siiyoow

Qudba siro ha raadine

Qoyskaaga ku ekaaw

Lama quuto hadalkoo

Qandi lagama buuxshee

Haddaan qodob dardaarana

Qaafleyda maansada

Qudba siro ku soo xiro

Ragbaa jira qalloociyo

Qarbudaadda jeceloo

Qeynuunku dhibayoo

Ku Qandhada wanaagee

Qaarbaan macaankiyo

Kala garan qaraarkoo

Inta ay qubaan malab

Mariid sibir ku qooshtoo

Dhuunkaal qur quriyee

Qaarbaa damaacigu

ka qarshaa samaantoo

Markey kheyrka seyraan

Dib ka qoomameyee

Qabiir aad ku dayatoo

Marwo qiimaheediyo

Qorshe reer yaqaaniyo

Aan qiyaas ku siiyee

Midkii loo qaddarayoo

Quman suuban helayoow

Kheyrkaa ma heystee

Shirwac tala qaadoo

Sida qarad u maamuus

DHAMAAD QUDBA SIRO

Abwaan Guure Waxaa Qoray Abwaan Guure


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...