Golaha Wasiirada oo Maanta la horgeynayo Safiiro Cusub

0
Thursday January 14, 2021 - 08:37:39 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada oo Maanta la horgeynayo Safiiro Cusub

    Safiiradaan cusub ee maanta la horgeynayo Golaha ayaa la ansixin doonaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiiradaan cusub ee maanta la horgeynayo Golaha ayaa la ansixin doonaa




Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay yeeshaan mid ka mid ah kulamadoodii caadiga ahaa, waxaana kulanka maanta dhici doona uu yahay mid xasaasi ah.

 

Golaha Wasiirada ayaa Maanta la horgeynayaa 15 safiir oo cusub, kuwaasi oo dowladda Soomaaliya u diri doonto waddamada Caalamka ee Dowladdu ku leedahay Safaaradaha, waxaana Golaha wasiirada lagu sugayaa in ay Ansixiyaan xubnahaan ama ay diidaan oo dib loo celiyo si wax ka beddel loogu soo sameeyo.

Horay kulankii ka horreeyay kan ee Golaha wasiirada waxaa la keenay liiska 12 Safiir kuwaasi oo Golahu ay diideen dibna loo celiyay, kadib markii la sheeegay in ay baal marsan yihiin Nidaamka awood qaybsiga ee 4.5 ee Soomaaliya wax ku qaybsato, waxaana Ra’iisul Wasaare Maxamed Xsueen Rooble uu go’aan aday in dib loo celiyo xubnahaasi uu soo gudbiyay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

 

Safiiradaan cusub ee maanta la horgeynayo Golaha ayaa la ansixin doonaa ama dib ayaa loo celin doonaa sidii kuwii hore.

 

Dhanka kale kulan Golaha waxaa maanta looga hadli doonaa arrimo dhowr ah ku aaddan marxaladda kala guurka ah ee dalku marayo.


Loading...
Loading...