Dayax Dhacay Ku Gudis Ma Leh ( Abdi-Shotaly).
Umadan durbaan hoosta ka uraaya baa loo garaacay, kaas oo dulin iyo cayayaan aan wax-ba reebayni, ay siduu u dhan yahay dinisayaan, Waa tuugta hantidda ummadda ugu shirta Guriga Xaafad-tooyada'e hadda la yiodhaaho, ee uu moorgan lahaan jirey, halkaas oo idil habar-dugaag iyo hoos yaacii xaydhaha iyo qanjidhka loo tuuri jirey ay ku kulmaane. Umadana sidda geel-jirahaa damcay in uu keliggii ka fara qabsado ee isku deyey khiyaamadda. Akhristaw hadaba, Shicibkan wax walba iyo khiyaamo ksate waa lagu deyey, oo way mari wayday, dabeed kooxdan yam-yamka ah, ee xataa cagaha afka ku leh, beentii ay wadeen isi soo gabtay, oo sidda nin-kaas hashii iska jaqday, ee lagu gartay bay fashilmeen, dariiq u banaan oo dambe, oo ay wax inoogu sheegi karaana, waa dameer san madaw iyo qof dhintay oo ifka dib ugu soo noqday, yoomal-qiyaamaha ka hor. markii albaab waliba uu soo xidhmay, bay isku dayeen, in ay ummadda iska hor keenaan, si ay uga dhex faa'iidaan, tii baa socota hadeer in ay la gaadho-ba, mayd yaa ugu dambeeyey, baa la yidhiye, waa taa saaka ka dhex taagan " Gar-adag iyo Boorame", Hore waxaynu u soo araganay, beelihii Ceel-Af-weyn, Sool iyo Buuhoodle, Berbera iyo xeebta ilaa Saylac wixii ka dhacaayey, mashaakilka ay ka dhex abuureen ee Awdal ka aloosan ( Ciise Iyo Samaroon). wax la inoogu tallo galay in aan is xaaqno, illaah iyaka ha ku weeciyo waxay dadkan iyo dalka ka galabsa-deene.
Waxan ku soo joojiyey qoraalkan, " Dayax dhacay ku gudis ma leh", ee tan iilka bay jiiftaa, dibna uga soo bixi-mayso, ee candhuuf-tiina dib uga liqa. Nin la tumay bay tallo joog-taaye, intee baa lagugu beer laxawsan reer hebel, iyo maamulka inaka baa leh ee ilaaliya, mee dalkii iyo dadkii sawtan silicu dhameeyey, ee abaar iyo haraad uu laayey, intii soo hadhay-na boob loogu caseeyey, iniba gees u diday, hayaay iyo wareey ay joog-tadda noqotay, dadkii dhulkooddii laga qaaday, ee ay badu buuurta hirdiday, meel wax laga qabto la garan la yahay, taas oo ay beledda dhigtay lacagta imaaraadka laga soo xantoob-saday ee lagu yidhi ku muquuniya wixii idinka hor yimaadda ( Ilayn waa maamul ay hor kacayaan labaddii askari ee " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximan", kuwaas oo caqli-goodu yahay kaynu naqaanay, ee cudadda ka qabay beelo gaar ah. sidaad ula socotaan-ba xalay ilaa shalay boorame waa lagu kala qaxay, oo Hargaysa baa la isku soo shubay, waxa bilaabmay is ugaadhsi, uu shaqaalihii aamini la'yahayin uu ka shaqeeyo gobol kale oo aanu asal ahaan ka soo jeedin, Waxana abuuray rebshadda, Askartan samadda ku faruur xidhan ee wax liq mooyee, aan farsamo kale iyo maskax mid-na aan lahayn,
* N.B Nin La Tumay Bay Tallo Jiiftaa!.
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





