Xukuumadda Muuse Biixi Oo Ruqsaddihii Kala Noqotay Shirkaddaha Isgaadhsiinta Ee Dalka

0
Wednesday January 13, 2021 - 19:21:25 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Muuse Biixi Oo Ruqsaddihii Kala Noqotay Shirkaddaha Isgaadhsiinta Ee Dalka

    Xukuumadda Muuse Biixi Oo Ruqsaddihii Kala Noqotay Shirkaddaha Isgaadhsiinta Ee Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Muuse Biixi Oo Ruqsaddihii Kala Noqotay Shirkaddaha Isgaadhsiinta Ee Dalka

Hargeisa(HWN):-Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa laashay guud ahaan Ruqsaddihii ay ku Shaqaynayeen Shirkaddaha bixiya adeegga Isgaadhsiinta ee dalka, kadib markii ay Xukuumaddu dhammaystirtay Xeer Nidaamiye loogu talo-galay Shirkaddaha bixiya adeegyadda kala duwan ee Isgaadhsiinta.



Sidoo kale, Waxa ay Wasaaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiintu ay farriin u dirtay Shirkaddaha ay Ruqsaddoodda laashay, kuwaasoo ay ku Ammartay inay 30 maalmood gudahood ku qaataan ruqsaddaha ay ku hawl-galayaan.




Sidaasna waxa lagu sheegay Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Cabdi-wali Suufi Jibriil, taasoo ku taariikhaysan 11/01/2021, laguna socodsiiyey Shirkaddaha, Telesom, Somtel, Golis Somaliland, Nationlink, Africa Online iyo Somcable.
Wareegtada ayaa lagu yidhi sidan:

"Mudaneyaal Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadu iyadoo dhaqan gelinaysa xeer-nidaamiyaha ruqsadda adeegyada Isgaadhsiinta Xeer- nidaamiye Lr.02/2020 waxa ay laashay dhamaan ruqsaddaha Isgaadhsiineed ee ay haystaan shirkaddaha bixiya adeegyada kala duwan ee Isgaadhsiinta, laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 11/01/2021.

Haddaba waxa ku waajib ah adeeg-bixiyeyaasha in ay soo codsadaan ruqsadaha isgaadhsiineed qaab waafaqsan xeer-nidaamiyaha ruqsadda adeegyada Isgaadhsiinta muddo 30 maalmood ah oo ka bilaabmaysa maantaā€¯ ayaa lagu yidhi Wareegtadan oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Cabdiweli Suufi Jibriil.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horraysay ee Xukuumadda Muuse Biixi soo saarto go'aan miisaan leh oo ka dhan ah Shirkaddaha bixiya adeegga Isgaadhsiinneed ee dalka, kuwaasoo uu go'aankan si isku mid ah u saamayn doonno, iyaddoo Ujeedkunna yahay in la is waafajiyo baaxadda adeegyadda ay bixiyaan shirkaddaha Isgaadhsiintu iyo Cashuurta ku waajibtay.




Loading...
Loading...