Somaliland Oo Sheegtay Inay Maxkamadaynayso Ciyaaryahanadii Ka Qayb Galay Tartankii Maamulada Soomaaliya

0
Wednesday January 13, 2021 - 19:05:52 in News by
  • Visits: 1289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Sheegtay Inay Maxkamadaynayso Ciyaaryahanadii Ka Qayb Galay Tartankii Maamulada Soomaaliya

    Somaliland Oo Sheegtay Inay Maxkamadaynayso Ciyaaryahanadii Ka Qayb Galay Tartankii Maamulada Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Sheegtay Inay Maxkamadaynayso Ciyaaryahanadii Ka Qayb Galay Tartankii Maamulada Soomaaliya


Hargeysa(HWN):-Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland, ayaa sheegtay inay Maxkamad la tiigsanayso Ciyaaryahannada Somaliland u dhashay ee ka qayb-qaatay Tartankii Maamul-gobolleedyada Soomaaliya.




Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo Shalay u warramay Telefiishanka HCTV, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi "Cid kasta oo reer Somaliland ah oo ku ciyaarta Magac aan Somaliland ahayn waa Qaran dumis, waa Cid dhabarka ka toogatay Qaranimada Somaliland, hadday hore u dhacdayna Aqbali mayno, Qof kasta oo halkaa ka soo ciyaarayna waa dambiile, Qaranka oo Cafiya mooyaane, Cafiskana Madaxweynaha JSL baa bixin kara, Hay’adaha arrintaa u xil-saaran ee Xeer ilaalintu ka mid tahayna waa mid aanu u gudbin doono oo lagu maxkamadayn doono hadduu dalka soo galo, maaha inuu Maalina halkan ka ciyaaro, Maalina uu halkaa ka ciyaaro.”

 


Loading...
Loading...