Maamulka Gobolka Banaadir Oo La Wareegaya Caafimaadka Gobolka Banaadir

0
Wednesday January 13, 2021 - 14:43:28 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir Oo La Wareegaya Caafimaadka Gobolka Banaadir

    Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur




Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta kulan kula qaatay Xafiiskiisa Xubno ka socdey Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo ay hogaamineysey Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur.

 

Ujeedka kulanka ayaa ahaasidii loo daadejin lahaa Adeegyada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo ay bixiso Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka kadib ayaa waxay Maamulka Gobolka Bnaadir iyo Wasaaradda Caafimaadku Guddi laba geesood ah u saareen kashaqeynta sidii Gobolka Banaadir loogu soo wareejin lahaa Maamulida Xarumaha Caafimaadka ee ku yaala Gobolka Banaadir.

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in guddiyadaas ay ka Shaqeyn doonaan sidii dhamaadka bishan Maamulka Gobolka Banaadir ugu wareejin lahaayeen maamulida xarumaha Caafimad eek u yaal Muqdisho.

 

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho cumar Maxamuud Maxamed ( filish) ayaa uga mahad celiyay Wasiirka caafimaadka Marwo Fowsiyo, waxana uu sheegay in qorshaha la wado hadii uu hirgalo in wax badan ay iska bedeli doonaan xaaladaha caafimaad ee dalka.

 

Waxaa uu sheegay in siwadajir ah ay dhamaadka Bishaan u saxiixi doonaan in Maamulka gobolka Banaadir lagu wareejiyo Maamulida xarumaha caafimaad ee ku yaal gobolka Banaadir.


Loading...
Loading...