RW Rooble oo Wasiiru dowlaha Xafiiskiisa u xil-saaray dardar gelinta doorashooyinka

0
Wednesday January 13, 2021 - 14:34:52 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 803
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Rooble oo Wasiiru dowlaha Xafiiskiisa u xil-saaray dardar gelinta doorashooyinka

    Wasiiru Dowlaha Xafiiskiska Rooble ayaa sidoo kale mas'uulka ka a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiru Dowlaha Xafiiskiska Rooble ayaa sidoo kale mas'uulka ka a




Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen ayaa Wasiiru Dowlaha Xafiiskiisa u xil-saaray inuu dardar-geliyo howlaha doorashooyinka dalka Soomaaliya ka dhacaya bilowga sanadkaan 2021.

 

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Cabdixakiin Xasan Ashkir loogu xil saaray dardar-gelinta iyo taaba-gelinta howlaha doorashooyinka dhacaya, xili uu weli muran xoogan uu ka taagan yahay.

 

Wasiiru Dowlaha Xafiiskiska Rooble ayaa sidoo kale mas’uulka ka ah isku xirka iyo wada shaqeynta Xukuumadda, Dowlad Goboleedyada, hey’adaha Caalamiga iyo dhammaan howlaha la xiriira habsami u socodka howlaha doorashooyinka.

Qoraalka lasoo saaray ayaa waxaa lagu xusay inay muhiimadu tahay dhaqan-gelinta heshiiskii horey Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu gaareen doorashada dalka.

 

RW Rooble ayaa maalmo kahor ku dhawaaqay in la guda galayo hirgelinta doorashada, waxaana arrintaas kasoo horjeeystay Midowga Musharaxiinta, kuna tilmaamay Go’aankaas doorasho hal dhinac ah oo ay maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.




Loading...
Loading...