Khaladaadka Kujira Isku Shaandhayntii Muuse Biixi Iyo Masuul Uu Adeer U Yahay Oo Uu Xil Sharci Daro Ah U Magacaabey.

0
Wednesday January 13, 2021 - 10:14:29 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khaladaadka Kujira Isku Shaandhayntii Muuse Biixi Iyo Masuul Uu Adeer U Yahay Oo Uu Xil Sharci Daro Ah U Magacaabey.

    "Waxaanay curyaamin doontaa hawlaha Wasaaradaha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaanay curyaamin doontaa hawlaha Wasaaradaha"

Hargaysa (HWN) Isku shaandhantii ugu danbaysay ee Muusi Biixi Sameeyay waxa ka muuqday khaladaad dhinaca sharciga ah iyo Qoraalkaba, Tusaale ahaan Hogaamiye Muuse Biixi  wuxuu xilkii agaasimaha  Maxadka Shaqaalaha Dawlada ka Qaaday  Guuleed Saleebaan Axmed Hagoog isagoo aan lahayn awood sharci oo Madaxweynuhu Xilka Kaga Qaadi Karo Kuna Magcaabi Karo, Awooda magacaabista iyo xil ka qaadista Agaasimaha Fulinta  Maxadka Shaqaalaha Dawlada waxa iska leh Board ka Maxadka .

 

Muuse Biixi wuxu  u magacaabay booskii agaasimaha  Fulinta Maxadka Shaqaalaha Dawlada wiil uu adeer u yahay,  isagoo maroorsaday awooddii Board ka maxadka Shaqaalaha Dawlada.

 

Dhinaca qoraalkana madaxwaynuhu wareegtadiisa kumuu xusin in uu xilkii ka qaaday Agaasimihii Maxadka shaqaalaha Dawladda  Mr Guleed Saleeban Hagoog si la mid ah sidii uu ugu xusay masuuliyiintii kale ee uu xilka ka qaaday.

 

madaxwaynuhu malaha awood sharci oo uu  xilka  kaga Qaadi karro Agaasimaha    maxadka Shaqaalaha Dawlada, waa  ta labaade si uu ugu qariyo masuulka uu xilkaa sharci darada ah u magacaabay oo uu adeer uyahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi .

 

isku soo wada duuboo isku shaandhayntan u dambaysay ee uu Sameeyay Muuse Biixi maaha isku shaandhayntii shacabku sugayeen, marka loo eego masuuliyiinta xilka laga qaaday oo ubadnaa Agaasimayaasha Guud.

 

Waxaanay curyaamin doontaa hawlaha Wasaaradaha maadama dhawr jeer oo isku xigta uu isku badel ku sameeyay agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha.

 

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.


Loading...
Loading...