Beesha caalamka oo war kasoo saartay muranka doorashada Soomaaliya

0
Wednesday January 13, 2021 - 08:15:44 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1052
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha caalamka oo war kasoo saartay muranka doorashada Soomaaliya

    Beesha caalamka oo war kasoo saartay muranka doorashada Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha caalamka oo war kasoo saartay muranka doorashada Soomaaliya

MUQDISHO(HWN):-Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa qoraal ay soo saareen caawa waxay ku sheegeen inay aad uga uga walaacsan yihiin is-mari-waaga ka taagan hirgelinta hanaanka doorasho ee 17-kii Sebtember ku heshiiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.


"Waxaan ugu baaqaynaa saamilayda siyaasadeed ee sare inay muujiyaan hogaan iyadoo la tixgelinayo danta umadda iyo inay si dhakhso leh u xalliyaan arrimaha ka taagan hirgelinta iyadoo loo marayo isu-tanaasul, si loosii guda galo geedi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo u dhaca sida ugu dhakhsiyaha badan,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.
James Swan

Qoraalka ayaa intaas ku daray in heshiiska 17kii Sebtember uu yahay aasaaska kaliya ee la aqbali karo in loo maro doorashooyinka 2021.

"Ma jiri karo dib-u-furid lagu sameeyo Heshiiska 17-kii Sebtember ama abuuritaanka hanaan kale ama mid barbar-socda. Waxaa loo baahan yahay in is-faham ballaaran oo loo wada dhanyahay laga gaaro hirgelinta [heshiiskaas] si loo xaqiijiyo kalsooni lagu qabo geeddi-socodkan. Tani waa in ay la jaan-qaaddo ballan-qaadyadii lagu heshiiyay ee shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya. Saaxiibadu waxay soo dhaweynayaan dadaallo dardar-gelin leh oo sida ugu dhakhsiyaha badan loogu xalliyo arrimaha taagan, looguna soo gabagabeeyo is-faham la gaaro maalmaha soo socda, si ay doorashadu u bilaabato dabayaaqada bishan,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Saaxiibad Soomaaliya ee caalamka ayaa sheegay inay ku boorrinayaan madaxda Soomaaliyeed inay ixtiraamaan oo ay si buuxda u hirgeliyaan qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ku yeelanayaan baarlamaanka, sidii ay ugu ballanqaadeen heshiiska 17kii Sebtember.

"Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku celinayaan in hanjabaad kasta ama adeegsiga rabshado aan la aqbali karin. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeynayaan ahmiyadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed xor ah oo furan kaas oo musharaxiinta ay awoodaan inay si nabad ah ku soo bandhigaan aragtiyadooda isla markaana ay warbaahintu awood u leedahay inay ku shaqeyso xayiraad la’aan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

Loading...
Loading...