Xiisadda Itoobiya iyo Suudaan: "Aamusnaanteenna maaha Inaan Ka Cabsaneyno Khartuum"

0
Wednesday January 13, 2021 - 08:09:05 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xiisadda Itoobiya iyo Suudaan: "Aamusnaanteenna maaha Inaan Ka Cabsaneyno Khartuum"

    Xiisadda Itoobiya iyo Suudaan: "Aamusnaanteenna maaha Inaan Ka Cabsaneyno Khartuum"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisadda Itoobiya iyo Suudaan: "Aamusnaanteenna maaha Inaan Ka Cabsaneyno Khartuum"

Hargeisa(HWN):-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in milatariga Suudaan ay kusoo qulqulayaan xadka Itoobiya ay la wadaagto dalkaas, xilli xiisadda labada dowladood u dhaxeysa ay sii xoogeysaneyso.



Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Addis Ababa ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in dowladdiisu ay si dagganaan ah u wajaheyso muranka kala dhaxeeya Suudaan, "laakiin aamusnaantooda aysan ahayn in loo fasirto inay cabsanayaan."


"Milatariga Suudaan waxay ka faa'iideysanayaan in ciidamada dowladda Itoobiya ay ku mashquulsan yihiin xasaradaha gobolka Tigray, waxayna kusoo xad gudbeen dhulkeenna," ayuu yidhi afhayeenka.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abi Ahmed (midig) iyo Ra'iisul Wasaaraha Suudaan Abdullah Hamdok. Labada waddan ayey muddo dheer cadaawad ka dhaxeysay

Dhanka kale, wuxuu sheegay in waddankiisu uu doonayo in la wada xaajoogo, islamarkaana uusan damacsaneyn buunbuuninta khilaafka xadka ee labada dal balse arrinta ay ka dhigayaan mid heer gobol looga wadahadlo.


Xidhiidhka Khartuum iyo Addis Ababa ayaa sii xumaaday dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay, waxaanna soo baxay warar sheegaaya in Ciiddammada labada dal ay ku dagaallameen Xadka, xilli ay Milatariga Itoobiya howlgal ka fulinayeen gobolka Tigray ee Xuduudda la wadaaga Suudaan.


Iskudhaca labada waddan ee hadda taagan wuxuu ku saabsan yahay dhulka loo yaqaanno Al-Fashaqa, halkaas oo ah meesha uu gobolka Amhara ee waqooyiga-galbeed uga yaalla Itoobiya uu xadka kala wadaago gobolka Gedaref ee dalka Suudaan.


Al-Fashaqa, oo ku fadhida dhul dhan 600 kiilo mitir ayaa ah dhul ku fiican dhanka beeraha. Waxaa marar badan goobtan uu dagaal ku dhexmaray beeraleyda labada dal. Itoobiya iyo Sudan ayaa waxaa u dhaxeeya xuduud aad u dheer taasi oo dhan 1,600 km.

Xiisaddan ayaa soo cusboonaatay kaddib markii ay guul darreysteen wadaxaajoodyadii ku saabsanaa Biyo xireenka ay Itoobiya ka sameyneyso Wabiga Nile.


Wakaaladda Wararka ee Suudaan ayaa soo xigatay Wasiirka Bacriminta beeraha ee Suudaan, Yasser Abbas, oo sheegaya in waddankiisa uu golaha Midowga Afrika u muujiyay sida uu uga soo horjeedo go'aanka ay Itoobiya ku shaacisay in ay buuxintii labaad ku sameyneyso Biyo xireenka bisha July ee sanadkan, iyadoo aan sugeynin in heshiis laga gaaro iyo inkale.


Hase yeeshee ma jirto jawaab deg deg ah oo dowladda Suudaan ay kasoo saartay eedeynta ugu dambeysay ee uga timid dhinaca Itoobiya, oo ah in ay ciidamo kusoo daad gureynayaan xadka ay la wadaagaan Itoobiya.


Xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Suudaan ayaa rajo fiican yeeshay markii Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed uu bishii June ee sanadkii 2019-kii booqasho ku tagay magaalada Khartuum si uu ugu dhiirrigaliyo dibadbaxayaasha dimuqraaddi doonka ah iyo saraakiisha milatariga Suudaan in ay heshiis gaaraan kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.


Ra'iisul Wasaaraha Suudaan, Cabdalla Hamdook, ayaa isagana dhankiisa isku dayay in uu asxaankaas abaalgud uga sameeyo Itoobiya, isagoo ugu yaboohay in uu soo dhex galo xiisaddii u dhaxeysay dowladda iyo xisbiga Tigray-ga ee TPLF, Laakiin Dr Abiy Axmed ayaa arrintaas ku gacan seyray, wuxuuna ku adkeystay in Itoobiya ay arrimaheeda iyadu xal ka gaari karto.

Loading...
Loading...