Musharaxiinta Mucaaradka Soomaaliya oo qoraal digniin ah u diray Beesha Caalamka

0
Tuesday January 12, 2021 - 18:31:10 in News by A. Asbaro
  • Visits: 372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharaxiinta Mucaaradka Soomaaliya oo qoraal digniin ah u diray Beesha Caalamka

    Midowga Musharixiinta Oo Baaq U Jeeddiyay Beesha Caalamka, Kanna Hadlay hannaanka Doorasho Loo Qaban Karro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga Musharixiinta Oo Baaq U Jeeddiyay Beesha Caalamka, Kanna Hadlay hannaanka Doorasho Loo Qaban Karro

Muqdisho(HWN):-Golaha Midowga musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beesha caalamka u gudbiyay qoraal ay walaac ay kaga muujinayaan cawaaqib xumo ay sheegeen in ay ka dhalan karto habka ay dowladda federalka ku wado nidaamka doorashooyinka dalka.

Lis Dairy

Golaha Midowga musharixiinta Madaxweynaha waxay sheegeen tallaabooyinka ay dowladdu wado in ay khatar gelinayaan midnimada Soomaaliya.


Waxay ku celiyeen inay diyaar u yihiin hanaan doorasho oo xalaal ah oo waqtigooda dhaca, waxayna soo saareen baaqaan hoos ku xusan.

Waxay ku baaqeen baahida degdegga ah ee loo qabo heshiis xaqiijinaya Daacadnimada iyo dhexdhexaadnimada guddiyada doorashooyinka. 

Golaha musharixiinta waxay sheegeen in ay diyaariyeen liis ay ku qoran yihiin kuwa laga saarayo guddiyada hirgelinta doorashooyinka ee lagu muransan yahay.

Waxay codsadeen kulan deg deg ah oo dhexmara Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo madax dhaqameedka ka soo jeeda goboladaas, si ay u doortaan xubnaha guddiga doorashada. Waxay kaloo codsadeeen in doorashada wakiilada Somaliland u matalaya labada aqal ee barlamaanka ay ka dhacdo xerada Xallane lana hoos geeyo beesha caalamka.

Goluhu murrashixiintu waxay soo jeediyeen in Caasimadaha Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka lagusoo koobo doorashooyinka xildhibaanada aqalka hoose, halkii laga dhigi lahaa labo magaalo sida ku xusan heshiiska doorashada.

Goluhu waxay ku baaqeen kulan deg deg ah oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, musharixiinta iyo xubnaha muhiimka ah ee bulshada rayidka ah, iyo kormeerayaasha Beesha Caalamka si looga fogaado isfaham waaga.



Loading...
Loading...