"Reer Laascaannood Waxa Ay Barteen Baryo, Ruux-na Loo Joojin Maayo" Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax
"Reer Laascaannood Waxa Ay Barteen Baryo, Ruux-na Loo Joojin Maayo" Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax ayaa dhagax dhigay xarunta Madaxtooyadda gobolka SOOL ee magaalada Laascanood .
Guddoomiye Baashe oo madasha dhagax dhigay ka hadlay ayaa sheegay inay dhammaatay xilligii tanaasulku
"Dhulka dowladaa iska leh cidna waxba laga waydii maayo halkana waa la dhisaya qofna loo joojin maayo reer Laascaanod baryo ayay barteen qofkii hadlana hala xidho”.

"Reer Laascaannood waxaan idin sheegayaa isma qabato mashaariicda hana loo keenno iyo meeshii la istaaggaba inaad tidhaahdaan Qof-baa leh, meeshan cid iska lihi ma jirto, Yaasiinna dhisan maayo, Anigunna dhisan maayo ee waxa laga dhisayaa Aqalkii Madaxtooyadda ee gobolka SOOL.
Dawladdunna dhulkii ay u baahato way qaadanaysaa oo qof wax laga waydiinayaa ma jiro. Waxaanna la farayaa Hay'addaha Amniga dhulka Danta guud ah ciddii sheegata in talaabo laga qaaddo, Halkanna waa la dhisayaa cid loo joojinnayaanna ma jirto, reer Laascaanood waxay barteen baryo oo meelkasta yidhaahdaan Anigaa leh, Aabahay-baa ku aasan iyo geellayaga ayaa daaqi jirey, waxaas loo joojin maayo, haddii aniga la i siinnaayo igu qabsadda oo diidda, laakiin haddii laga dhisaayo wax bulshaddu wada leedahay oo munaafacaadsanayso soo dhaweeya." Ayuu yidhi Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax
Loading...
Loading...