Warbixin Cusub Oo Laga Soo Saaray Falkii Kufsiga Ahaa Ee Ka Dhacay Xarunta Agoomaha Hargeysa

0
Tuesday January 12, 2021 - 13:51:57 in News by
  • Visits: 1750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin Cusub Oo Laga Soo Saaray Falkii Kufsiga Ahaa Ee Ka Dhacay Xarunta Agoomaha Hargeysa

    Warbixin Cusub Oo Laga Soo Saaray Falkii Kufsiga Ahaa Ee Ka Dhacay Xarunta Agoomaha Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin Cusub Oo Laga Soo Saaray Falkii Kufsiga Ahaa Ee Ka Dhacay Xarunta Agoomaha Hargeysa



25 June 2020, Horizon Institute waxa ay soo saartay baaq dadweyne oo ay kaga codsanaysay xukuumadda Somaliland in ay billaabaan baadhis madax-bannaan sidii, iyo sababtii Laanta Danbi Baadhista (CID) ay ugu guuldaraysatay in ay sameeyaan baadhis dhab ah oo ku saabsan eedaymaha in gabadh dhallinyaro ah oo ku noolayd Xarrunta Agoomaha Hargeysa ay martay qadhaadhka iyo xanuunka kufsiga. Tallo-soojeedintaasi waxa ay lahayd ujeedo laba dhinac ah. Waa ta koowaade in la xaqiijiyo in dhibanuhu ay hesho caddaaladdii ay u baahnayd isla markaa ay u qalantay. Ujeedada labaad oo ahayd in la xaqiijiyo in ay jirtay caddayn ku filan oo ka dhan ah wiilasha dhallinyarta ah ee ku noolaa Xarrunta Agoomaha kuwaas oo loo xidhay danbiga kadib markii CID-du samaysay dhawr waraysi oo degdeg ah.


Agaasimaha Xarunta Agoomaha Hargeysa Oo Afka Furatay Kana Hadashay Kufsi Ka Dhacay Xarunta • Oodweynenews.com Oodweyne News

Nasiib-darro, dib-u-eegis madax-bannaan may dhicin. Taabadalkeeda, waxa lagu degdegay xukunkii, halkaas oo laba maxkamadood ku qabsoontay Hargeysa, October oo ay ka hor qabsoontay Maxkamadda Gobolka ee Maroodi-Jeex iyo December oo ay ka hor qabsoontay Maxkamadda Racfaanka ee Maroodi-Jeex. Warbixin ay Horizon soo saartay 30-kii December 2020, waxa ay ku faahfaahisay Gafka Caddaaladeed ee ka dhanka ah shanta wiil kuwaas oo si joogto ah u diiday in ay ku lug lahaayeen kufsiga. Iyada oo ku doodaysa in go’aanka xukun xabsiga lagu riday aanu sharciga waafaqsanayn, Horizon sidoo kale waxa ay cambaaraysay maqnaanshaha caddayntii ka dhanka ahayd dhallinyartan eedaysaneyaasha ah. Kiisku hadda waxa uu hor yaalaa Maxkamadda Sare oo dhagaysan doonta, halkaas oo la rajaynayo in ay sii deyn doonto wiilashaas.


Shalay, 11 January 2021, qoysaska afar kamid ah dhallinyartaas ayaa telefishanka si cad uga hadlay. Waxa ay direen baaq ah in ay caddaalad helaan, taas oo ayna u rabin oo kaliya ubadkooda ay waalidka u yihiin, balse sidoo kale in dhibanuhu hesho caddaalad.


Qoysaskii shalay hadlay waxa ay sidaa u sameeyeen iyaga oo rumaysan in codkooda oo la maqlaa uu sababi doono, ugu yaraan in natiijo fiicani ka soo baxdo kiiska marka uu gaadho Maxkamadda Sare. Horizon Institute waxa ay la wadaagaysaa in helitaanka dhegaysi xog iyo caddaalad ku salaysan, isla markaa si fiican loo baadhay uu sababi doono in shantaa wiil helaan xorriyadooda. Natiijadaas oo sidoo kale ay la socoto in la go’aansado in laga gun gaadho xaqiiqada wixii ka dhacay Xarrunta Agoomaha, sidee ayay u dhici kartaa in gabadh yar oo daryeelkooda ku hoos jirtaa ay u mari karto dhibtaas qadhaadh, waa maxay sababta loo daboolay yaase qaadaya masuuliyadda dhacdooyinkaa silsilada murugada leh ee iska daba dhacayey.



Loading...
Loading...