Biography Of Abdirahman Ahmed Ali Tuur Q.3aad ( Abdi-Shotaly)

0
Tuesday January 12, 2021 - 10:27:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1852
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Biography Of Abdirahman Ahmed Ali Tuur Q.3aad ( Abdi-Shotaly)

    La Soco Qaybta 4aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

La Soco Qaybta 4aad

Waxaynu wadnay maalmahan Sooyaalkii Mujaahid/Madax-weyne (Ihun). Abdirahman Ahmed Ali ( Tuur). Hadaba waxa isugu keen dambeeyey, inaka oo marayna 18/may/1991, ahna ayaantii lagaga dhawaaqay Magaca Somaliland magaaladda Burco, oo uu  sidaas ku Noqday Madax-weynihii Taariikh-dda ugu horeeyey, Marxuumku?Mujaahid (Ihun) Wax dad ah ama ubad kama uu tegin, (ee Somaliland oo xor ah buu ka tegay oo u ubad ah), Marka laga Reer-bo Marwo Kinsi Basbaas Oo ahayd Oori-diisii. Wuxu dhisay dawlad miisaaman oo dhamaan beelaha u dhaxaysay Somaliland  iyo goboladda kala gedisan, Wuxu u bixiyey Magaca hadeer la basaday ( Waa Somalilande). Waxa Madax-weyne ku xigeen u noqday Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, isaga oo awel-ba ahaa Gudoomiye ku xigeen-kiisii SNM, oo mar loo wadda doortay Xilka SNM.

 

Wuxu Illaah ku gargaaray, in uu ahaado gudoomiyihii ku guulaysta qaba-shadda dalka oo ka saaray dhamaan ciidamaddii faqashta meel ay joogeen-ba, kuwaas oo noqday Canfareey firirig, oo mid-ba meel ka dhacay, markii ay u adkaysan waayeen Xoogaggii uu u madax ahaa Mujaahid Abdirahman Tuur (Ihun), lama arag laba wadda socdda iyo cid sheegay-saba ciidan-kaasi meel ay ka baxeen, oo waxa la is waydiin jirey, waar meeye ciidankii dalka joogi jirey.

 

 

Waxa iyana jirey, Jabhaddii Hawiyaha ee uu sameeyey  Mujaahid Abdi Rahman Ahmed Cali, kana madax ahaa ( Ihun) Jenral Maxamed Faarax Caydiid, oo kala goysay Waqooyi iyo koonfur, halkaasna ay ku joogstay isu ciidankii af-weyne. markuu arkay in ay u dhamaatay, wuxu ku kelifay Af-weyne in uu dalka ka baxo, oo xukunkii uu khasab kaga fara-maroojisto, una cararo ilaa iyo dalka Kiiniya, ka dibna uu u sii dhaafo dalka Naajeeriya ( Nigeria). Halkaas oo uu aakhirkii ku dhintay, maydkii-siina loo soo qaaday Garba-haaray si loogu aaso. Janaral Caydiid waxa kale oo uu dhamaan fidh-fidhka u qaaday, maamulkii ay sameeyeen Kooxddii la odhan jirey " Manifesto" ee uu ka madax ahaa kii ciyaala hudheelaha ahaa ee la odhan jirey "Cali Mahdi", kuwaas oo iskood isu carabaabay, iyaka oo aan cidi dooran ama diran, kuna dhawaaqay wax la yidhaaho maamul rayid ah, Ra'isal Wasaare-na uu ka ahaa Mudane Cumar Carte Qaalib, kaas oo loo maqaar saaraayey in lagu joojiyo goosashadda ay ku dhawaaqeen Ummaddii Waqooyiga ku noolayd, laakiin taasi may shaqayn mana ay suuro-gelin, oo way isla qarxday siddii ay koonfuri u dhamayd, Janaral Maxamed Faarax Caydiid wuxu dagaal ku kala bixiyey, laga bilaabo Gobolka la yidhaaho hadeer Gal-Mudug ilaa iyo Kismaanyo. waxana uu ku guulaystay in mamaulkii Cali Mahdi iyo Cumar Carte ay meesha ka baxaan, iyadda oo uu si wacan oo sharaf le u muquuniyey. Nasiib darro aakhirkii waxa dilay gantaal ay ku tuureen diyaaradihii Maraykanku, oo wuu dhaawac dhintay.

 

 

Akhristaw aan dib ugu soo noqdo, Mujaahid Abdirahman Ahmed Ali iyo Maamulkii uu dhisaye, Isla mar-kiiba dar cuqdad ku kor ahaa, oon weli-good kob cagaar leh ka soo durdurin, oo ahaa kuwii is yidhi wanjala Madax-weyne Siilaanyo, oo jir gooyo ay ku dilaan u sameeyey, wkahtiggii uu ahaa Gudoomiyaha SNM, meel ay ka dagaal galeena aanu jirin, waxana loo diran jirin iyo odayga la yidhaaho Saleebaan Gaal, Baa maaulkii Abdirahman Tuur markuu shaqaynaayey 7 bilood, dagaal ka abaabulay Burco, ilayn waa dad buka oo ay caloosha malaxi dhaamisay iyo Reer nacaybe ( oo qaba wax la yoidhaaho cadaawad beelaysane ( Clan Phobia). Dagaal-kaas oo la baxay Marya-alool, wuxu ku salaysnaa in Reerka garxajis la yidhaahaa aanu qaban madaxnimo, waxana waday oo ka dmabeeyey labadda askari iyo odayga guurtidda hor joogaha ka ah, ee hadeer siddii awr gulaan ah xumbadda ka qubaaya aqalkii moorgan ee loola baxay " Xaafad-tooyadda).  dagaal-kaas isaga ah dad badan-kiisii iyo maataddii is lahayd hadaa nasanaysaan, oo dal-kiinii ku soo noqoteen, waxa ku dhacay u qaadan waa iyo wax aanay u fadhiyin. wax ay socoto-ba, ugu dambayn markii la isla baaba'ay, waxa shir dib u heshiisiin ah lagu qabtay  Magaaladda Sheekh, taas oo loogu gogol xaadhaayey siddii loo dejin lahaa dalka, laguna qabto shir kama dambayn ah Magaaladda Boorame  ee Gobolka Awdal.

 

 

La Soco Qaybta 4aad

 

* N.B Nin Meeli U Cadahay Meeli Ka Madaw.

Qore:- Abdi-Shotaly.   


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...