Waa Digniin Walaalnimo, Dagaal Oogayaashiyo Farmaajaan U Dirayaa

0
Tuesday January 12, 2021 - 10:19:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Digniin Walaalnimo, Dagaal Oogayaashiyo Farmaajaan U Dirayaa

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh. BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B],

TU KHAAS AHANA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

1-DABA NINKAN CAGAHA GELIN,DAGAALIYO COLAAD ARAG,

  DURBAANKA IYO SACABIYO,DAMAASHAADKA LOO DHIGAY,

   DAL SALAXAN MARKU YIMID,KURSINA LOOGU SII DARAY,

   DOORASHA LOO TARTAMAYA,DAADWARAARACBU YIDHI.

 

2-DUQA DIGIYO MIDHIFLIYO,DEMENAANTA XAMAR HELAYE,

    DOOLARKA QADAR U HAYSEE,DIFAACIIS TURKIGA YAHAY,

    DERISKUNA U TABOBARO,DAFCADO CIIDAN TIRO BADAN,

    DANI IYO MADOOBE,DOORASHO MIYUU LA SUGAYAA.

 

3-DANYARTIYO QAXOONTIGA,DAADSANEEN DARYEEL QABIN,

    DIBIRUHU MA GARAN KARO,DAGAAL HADAYDIN GELISAAN,

    DALIILYADA QABAWGIYO,DHAXAMAHA KU DILAYSAANE,

    DUUGAYNU DHAWRIYE,DABKA MAATIYAHA SHUDHA.

 

4-WAXBA KA DAADAN MAAYANE,NINKA MALAB DURDUURTIYO,

    DACAR QAAR QUDHQUDHIYABA,BAL CIDAY U DARANTAHAY,

    DANAB IYO HARIMACAD,GORGORKA DUULA SII DAAYO,

    XAMAR HA KUU DUQEEYAAN,DANBARKA AAD KA MAASHIDE.

 

5-DARIIQII ADEERKA DARAAD MARAY,AAD RAACDIDE,

    DALIIL WEEYE SOO JIRAY,LOOMA KALA DENBEEYOO,

    DAARTA RUUXNA UMA HADHO,DABEECADENA WEEYO,

    DABKUUN BAYNU SAARAAAYO,LAGU KALA DAREERAA.

                       ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


Lis Dairy
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...