Isbadalada Dunida 2021 ilaa 2029 W/Q Mohamed Aden Hassan

0
Tuesday January 12, 2021 - 09:53:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbadalada Dunida 2021 ilaa 2029 W/Q Mohamed Aden Hassan

    TWITTER: H.E Mohamed Aden Hassan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TWITTER: H.E Mohamed Aden Hassan



Maadama aynu hore usoo falanqenay Qaarada Africa iminka waxa aynu falanqayn ku samenaynaa Qaarada Asia iyo waxa laga filan karo.

 

Asia maadama ay marki hore ahayd qaarada dunida ugu dadka badan 2021 ilaa 2029 waxay noqonaysa qaarad dhaqaale ahaan iyo samayn ahaanba dunida dheer wakhtiyada soo socda.

China sida ay tilmaamen warbixino iyo cilmi baadhisyo la sameeyay 5 ta sano e soo socda dhinaca dhaqalaha dunida isaga ayaa hogaamin doona , japan na booskedi ayay sii xejisan doonta o ah dhaqalaha saddaxad e dunida sido kale turkiga ayaa ka mid  noqon doona 10 ka dawladood e dunida ugu dhaqaalaha  badan.

Dhinaca samaynta china dunida ayuu isku fidin doona o saldhigyo waawayn ayu qaarada Africa ka samayn doona Kenya iyo angola ba ha ugu horeyaanba ee dhinaca saldhig samaysashada china ha.

Sido kale waxay toos dunida u gali doonta dagaal qabow o iminka aynu saan saantisi hayno oo u dhaxeya maraykanka iyo china haba lagu dul hirdimo geeska Africa oo iminka marti galiyay hirdinka marekanka iyo chinaha.

Turkiga ayaa isna samany dhinaca technologiyada ah yeelan doona oo noqon doona saylad wayn o dhinaca hubka ah noocyadiisa kala duwan ah.

Dunida waxay gali doonta dagaal qadhaadh o dhinaca dhaqaala ah iyo diplomaciyada.

 

Ruushka oo ah dalka dunida ugu baladhan samayna leh samantiisu dunida way ka yaraan doonta o isaga ayaa gudihiisa ku mashquuli doona sida aynu wada ognahyana  hubkiisa wuu sii tijaabin doona , jamhuriyadaha Asia da dhaxe oo ah Kazakhstan, Kyrgyzstan, Tajikistan, Turkmenistan iyo Uzbekistan na sidoda ayay ahaan doonan o wax samayn ah ma yeelan doonan o iska daa in ay samayn yeeshane hawlahooda kama badin doonan sida ay hadda yihiinba.

 

Hadiia aynu Galbeedka qaarada Asia booqano amaba bariga dhaxe sida aad hadba u taqaanid colaadaha iyo isqab qabsiga iyo hirdinku sidiisa ayu usii jiri doona maadama uu khayraad ceegaago gobolka bariga dhaxe.

Iran iyo isreal cadoowadoodu cirka ayay isku sii shareeri doonta si lamida carabta iyo isreal na wax faa’ido ah iskuma qabi doonan o hashiiskan hadda dhacay iska afka baarkisaa ayu ahaaba o waxa suurtagal in aynu aragno isreal iyo carabti xidhiidhka samaystay o cadoowadodu sii laba jibaarabtay, insha allah falistininyinta guulo waawayn ayaan u rajeenayna in ay cadawga jilbaha dhulka ugu dhuftaan.

Gobolka bariga dhaxe waxa ka samaysmi doona is bahaysi layaab leh oo dawlada islaam ah o turkigu hogaamin doona o ka koban jamhuriyadaha lagaga hadlo afka turkiga o  ay soo raacdo dawladaha Pakistan ,Indonesia iyo dawaldo kale o tiro badan.

Si la yaab leh turkiga iyo Dawladaha GCC ayaa aad isi gu soo dhawaan doona imiraatku haba is giijiyo o dhinac ha isu barbariya ee.

 

Mahadsanidiin Dhamantiin

 

TWITTER:       H.E Mohamed Aden Hassan       Email:    [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...