Qoor qoor oo sheegay in doorasho aan loo dhameyn aysan dalka ka dhici karin

0
Tuesday January 12, 2021 - 09:40:56 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoor qoor oo sheegay in doorasho aan loo dhameyn aysan dalka ka dhici karin

    Waxaa uu sheegay in eedaha loo soo jeediyay dowlad goboleedyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa uu sheegay in eedaha loo soo jeediyay dowlad goboleedyada




Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay in waqtigaan aysan macquul aheyn in dalka ay ka dhacdo doorasho hal dhinac ah, isla markaana Go’aanka dowladda & dowlad goboleedyada uusan sidaasi aheyn.

 

Waxaa uu beeniyay hadallo kasoo yeeray Xubnaha Midowga Musharixiinta ee ahaa in Dowladda Soomaaliya & dowlad Goboleedyada taagersan ay doonayaan in la qabto doorasho hal dhinac, waxana uu sheegay in taasi suurtagal aheyn.

 

 

Madaxweyne Qoor Qoor oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegya in doorasho ay ka maqan yihiin Jubbaland & Puntland in dalka aan laga qabaneyn, isla markaana ay muhim tahay in laga heshiiyo doorashada.

 

Waxaa uu sheegay in eedaha loo soo jeediyay dowlad goboleedyada saddexda ah ee taageersan dowladda uu yahay mid siyaasadeed, isaga oo hadalkiisa inaasi uu raaciyay in tabashooyinka jira in la xaliyo ay doonayaan.

 

Madaxweynaha GalmudugAxmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa uu waday door ku aadan xalinta khilaafka doorashada, isaga oo ku eedeeyay Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland in aysan kasoo jawaabin farriin tanaasul ah oo uu uga keenay Madaxda dowladda Soomaaliya.


Loading...
Loading...